Cabdulrazak Gurnah oo ku dhashay Zanzibar ayaa noqday qoraaga loogu hadal heynta badan yahay caalamka ka dib markii uu sannadkan ku guuleystay abaalmarinta Nobel Prize ee suugaanta, balse wax badan kama garanayaan shacabka ku nool dalka uu ka soo jeedo ee Tanzania.

Abaalmarinta qoraaga 72 sano jirka ah ayaa lagu tilmaamay inay tahay mid horumarinaysa qoraalka Afrika, balse buugaagta Gurnah lagama heli karo goobaha lagu iibiyo buugaagta ee ku yaalla bariga Afrika.

“Haddii aad sawirkiisa halkan ku muujiso, dadka waxay arki doonaan markii ugu horreysay,” ayuu yidhi Ally Saleh, oo ah qoraa iyo gabayaa ka yimid Zanzibar, jasiiradda uu Gurnah ku koray oo markii dambe lagu daray Tansaaniya.

“Aad ayey u yaryihiin dadka Tansaaniya ee wax ka og shaqadiisa.”

In kasta oo buugaagta Gurnah ay ugu horrayn suuq ka heli jireen UK, halkaas oo uu ku noolaa 50-kii sano ee la soo dhaafay, 10-ka sheeko ee uu sameeyay ayaa falanqeeyay arrimo iyo mawduucyo khuseeya dadka reer Zanzibar, oo ay si fiican ugu dheregsan yihiin.

Wuxuu sahminayaa saamayntii uu gumaysiga ku yeeshay aqoonsiga Afrikada Bari, iyo waayaha qaxootiga, marka lagu khasbo in ay meelo kale guryo u raadsadaan.

Gurnah laftiisa waxa uu ka tagay gurigiisa isaga oo jira 18 sano jir ahaa – wuxuuna ka cararayay qalalaasihii iyo rabshadihii ka dhashay kacaankii 1964-kii ee afgambiyay madaxdii sarsare ee Carabta ee Zanzibar.

1px transparent line

Ka dib Zanzibar waxay la midowday dhulweynihii lagu magacaabi jiray Tanganyika si ay u dhisto Tansaaniya. Qoraaga waxa uu xidhiidh adag la leeyahay jasiiradda, taas oo dhextaal u ah sheekooyiinkiisa qaar badan oo ka mid ah.

“Waa muhiim in Tansaaniyaanka ay akhriyaan shaqada Abdulrazak. Waxa uu shaacinayaa wax badan oo ka mid ah xaqiiqooyinka Tansaaniya ee gudaha iyo dibaddaba,” ayuu yidhi Mkuki Bgoya, maamulaha daabacayaasha Tansaaniya Mkuki na Nyota.

“Inta badan haddaanu nahay dadka Bariga Afrika, waxaan adduunka ku aragnaa indhaha dadka kale, laakiin Gurnah, sidoo kale waxaan ka dhex arki karnaa nafteenna.”

Tan iyo markii lagu dhawaaqay abaalmarinta, bishii Oktoobar, qaar ka mid ah dadka Tansaaniya waxay la yaaban yihiin sida qoraa Gurnah oo kale aanu shacbiyad uga haysan gurigiisa.

Waxa kale oo ay dhalisay doodo ku saabsan dhaqanka wax-akhris ee dalka oo sii Tansaaniyaanka,” ayuu yiri Mr Bgoya..TPH Bookshop in Dar es Salaam, Tanzania

“Riwaayadaha Gurnah waxay qaadatay waqti dheer in la iibiyo, markaa dib umaanu soo celin.”

Illaa iyo hadda, qoraallada Gurnah laguma darin manhajka suugaanta dalka ee iskuullada, inkastoo ay ku jiraan qoraayo kale oo Sawaaxili iyo Afrikaan ah.

“Waxa uu sumcaddiisa ka sameeyay meel ka baxsan Zanzibar, wuxuuna ka maqnaa dalkiisa tan iyo 1967,” ayuu yidhi Mr Jussa.

“Sidaa darteed waxa kaliya ee yaqaannay koox yar oo akhristayaasha aadka u jecel ee akhrista suugaanta Zanzibar.”

Turjumaadda Sawaxiliga oo soo aaddan

Mid ka mid ah sababaha keenay in Gurnah uu wax ku qoro Ingiriisiga – maaha luqadda Sawaaxiliga, oo ah luqadda ay ku hadlaan inta badan dadka Tansaaniya, waana luqadda hooyo ee qooraaga.

Waxaa jiray baaqyo cusub oo soo jeedinaya in sheekooyinkiisa lagu turjumo Sawaaxili.

Dr Ida Hadjivayanis, oo ah bare sawaaxili ah oo wax ka dhiga kuliyadda Barashada Arrimaha Bariga iyo Afrika ee Jaamacadda Soas ee London, ayaa durba shaqadaan bilowday ka hor inta uusan Gurnah ku guuleysan abaalmarinta Nobel Prize.

Waxay hadda dhammaynaysaa tarjumaadda Sawaaxiliga ee ugu horreysay ee buugiisa, Paradise, oo lagu wado inuu soo baxo horraanta sannadka soo socda.

Buuggan, oo la daabacay 1994, waa sheekada wiil ku soo koray Tansaaniya horraantii Qarnigii 20-aad – waxa ay ahayd sheeko-faneed, taas oo loo magacaabay dhowr abaalmarinno oo qaali ah. Dr Hadjivayanis-na waxa ay rajaynaysaa in tarjumaaddeeda ay dad cusub u keento shaqadiisa.

war celin