Wasiirka wasaaradda xidhiidhka goleyaasha qaranka iyo arrimaha dastuurka ee Somaliland ayaa sheegay in barashadda dastuurka iyo fahamka waddaniyadda oo ay hesho bulshadeenu lagu gaadhi karro horumarka aynu hiigsanayno.

Wasiirka wasaaradda xidhiidhka goleyaasha qaranka iyo arrimaha dastuurka ee Somaliland

Waxaanu tilmaamay in bulshadda oo la barro dastuurka iyo waddaniyada ay qayb ka qaadan karto in lagaga baxo dhibaatooyinka iyo dib u dhacyadda dhaqaale, iyo horumar la’aanta ee ina haysta.

WAXAAN AQAAN AMAANTA BOQORADA

Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, waxa kaloo uu sheegay Somaliland ay baahi weyn u qabto in jiilkeenna dhalinyaradda aqoon yahanka ah ee soo kacaya in ay aqoontoodda wanaagsanku ladhaan waddaniyadda iyo muwaadinnimadda.aqoontoodda wanaagsan

Maxamed Xaaji Aadan Cilmi

Furitaanka tababarkaasi waxaa ka soo qayb galay agaasimaha guud ee wasaaradda xidhiidhka goleyaasha qaranka iyo arrimaha dastuurka, agaasimaha guud ee wasaarada waxbarashada iyo sayniska, agaasimaha guud ee wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha C/rashiid Caydiid Yaasiin.
Sidoo kale waxaa furitaanka tababarkaasi goob joog ka ahaa masuuliyiin ka socday haayadda Qarramada midoobay ee UNFPA, oo iyadu wasaaradda xidhiidhka goleyaasha qaranka iyo arrimaha dastuurka Somaliland kala shaqaysa hirgelinta arrintaasi.
UNFPA


Qaar ka mid ah agaasime waaxeedyada wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo madaxda Xarunta Barashada dastuurka iyo waddaniyada ee wasaarada xidhiidhka goleyaasha Somaliland.

agaasime waaxeedyada wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo madaxda

Adduunku wuxuu ku kala horumaray siduu u kala fahamsan yahay dastuurkiisa iyo waajibka ka saaran dalkiisa

war celin