Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa maanta ka qeyb-galay xaflad ay ku qalin-jabinayeen dufcadii labaad ee ka baxda Dugsiga sare ee Dabaylo-wayne.
Dugsigan oo ay maalin-galiyeen Guddida Horumarinta ee Dan Iyo Duco, ayaa waxaa uu ku yaalla Deegaanka Macaaneeyee ee Degmada Laas-geel ee Gobolka Saaxil.
Gudoomiyaha oo halkaasi ka jeediyay khudbad ayaa bogaadiyay dadaalka midho-dhalay ee ay sameeyen Guddida Dan iyo Duco. Waxaanu ballan-qaaday in uu afar arday oo ka dhamaystay Dugsiga sare ee Dabaylo-wayne ay ka bixin-doonaan Jaamacadda.
Gudoomiyaha ayaa waxaa wehelinayay, qaar kamid ah masuuliyiinta sare ee Xisbiga UCID.

war celin