Mararka qaarkood nolosha waxa ka dhaca waxyaabo yaab iyo amankaag leh. Labada nin ee u dhashay Kanada ee  Leon Swanson iyo David Tate ayaa labadooduba ogaadeen inay la noolaayeen qoysas aan ahayn kuwii asal ahaan ay ka soo jeedeen muddo 40 sano ah. Waxase iyana yaab noqotay inay labadan nin mudadaasi dheer saaxiib ahaayeen iyadoo haddana mid kastaa la nool yahay qoyska kan kale.

Arinkan ayaa bilaabmay markii    31 bishii  January sanadkii 1975 uu Leon Swanson ku dhashay  Noroaa House Andean Hospital , halka saaxiibkii David Tate uu ku dhashay isla isbitaalkaasi 3 maalmood ka dib.  Laakiin si kama’ ayay isugu khaldameen waxaana dhacady in qoysa kastaa uu korsday wiil aanu dhalin.

40 sano ayaa la ogaaday arinkan markii laba baadhay DNA qoysaska iyo labada saaxib. David Tate ayaa sheegay “ In labadooda qoys arinkan ka dib ay noqdeen kuwo aad isugu soo dhowaaday iskuna raacay inay noqdaan qoys qudha” .

war celin