Wasaaradda Horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa Hay’adda Cuntada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO) kala wareegtay Gaadhi loogu Talo-galay la dagaalanka Ayaxa.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL Mudane Rooble Cabdi Muuse, ayaa Gaadhigan loogu Talo-galay la dagaalanka Ayaxa kala wareegay Madaxa Xafiiska Beeraha ee Hay’adda FAO.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Beeraha, ayaa u Mahad-naqay Hay’adda FAO oo ay wada shaqayn wanaagsan leeyihiin Wasaaradda isla-markaana kala shaqaysa la dagaalanka Ayaxa oo dhibaato badan ku haya deegaano badan oo ka mid ah Somaliland.
Gaadhigan ayaa noqonaya kii 9-aad ee Hay’adda FAO ku wareejiso Wasaaradda Horumarinta Beeraha, si loogu adeegsado la dagaalanka Ayaxa.
Wasaaradda Beeraha oo leh Kooxo u Carbisan la dagaalanka Ayaxa, ayaa si joogto ah ula dagaalanta Ayaxa.

war celin