Agaasimaha Guud Ee Wasaarda Qorshaynta Qaranka Iyo Masuuliyiin Ka Socday Hay’adda FAO Oo Dhagax Dhigay Dhaam Biyood

0

Boorama (Xogside) –  Agaasimaha guud ee wasaarda qorshaynta qaranka iyo masuuliyiin ka socday hay’adda FAO ayaa degmada Alaybaday gobolka gabiley kadhagaxdhigay dhaambiyoodloogu talogalay inay ka Faa’iidaystaan daka deegaankaasi.2

Mashruucan oo hoos yimaada xarunta maaraynta xogta biyaha iyo dhulka ee wasaaarada qorshaynta qaranka, kuna metesho shan wasaaradood oo ka mida wasaaradaha Qaranka kana caawiso FAO ayaa ugu horayn munasibadii dhagax dhiga balaadhinta iyo dayactir lagu samayn doono dhaam biyoodkaas ka hadlay masuul ka socday hay’adda FAO, oo sheegay in u jeedada ugu wayn ee laga leeyahay dhismaha dhaam biyoodkanI ay tahay sidii ay bulshadu u qabsan lahayd ugana faa’iidaysan lahayd biyaha roobka. Geestoodana qaar ka mida bulshada ku nool degmada Aleybaday ayaa sheegay in dhaam biyoodkan ay baahi wayn u qabeen, waxaanay u mahadceliyeen ciskasta oo gacan ka gaysatay hawshaas dhismaha iyo dayac-tirka ah.2

Ugu damabayn agaasimaha guud ee wasaaradda qorshaynta qaranka Somaliland Axmed-yaasiin Muxumed Xasan sheegay in qaranka arrimaha biyaha ay wasaaradda biyihu u qaabilsan tahay, se masharuucani uu hoos yimaado mashruuc la yidhaa xarunta maaraynta biyaha iyo dhulka, kaas oo ay ka wada shaqeeyaan shan ka mida hay’addaha dawlada oo ay wasaaradda qorshaynta qaranku ka mid tahay,2

Agaasime Axmed-yaasii wuxuu bulshada degaankaas uu u soo jeediyay in ay illaashadaan dhaam biyoodkaas oo ah mid ay wax ka taraaya kor u qaadida horumarka biyaha ee degaankaas iyo degaanada kale ee ku xeeran.2

Agaasimaha Guud Ee Wasaarda Qorshaynta Qaranka Iyo Masuuliyiin Ka Socday Hay’adda FAO Oo Dhagax Dhigay Dhaam Biyood

war celin