Akhaalqda Wanaagsan 0..

0

Akhaalqda Wanaagsan

Waxaa laga weriyay Abuu Hureeyra (Rc):

XOGSIDE ”Inuu yidhi Rasuulkii Allah (scw) wuxuu yidhi: “ Qofkii rumeeyay Allah iyo maalinta qiyaamaha ha ku hadlo khayr ama ha iska aamuso, qofkii Allah iyo Qiyaamaha rumeeyay ha xurmeeyo jaarkiisa, qofkii Allah iyo qiyaamaha rumeeyay ha soo dhoweeyo martidiisa.”

                                       ( Bukhaari iyo Muslim).

Xadiiskani wuxuu ina barayaa dhaqanka wanaagsan ee ku habboon sharafta qofka muslimka ah, hadalku waa kan dadka kuu soo dhoweynaayaa ama ka fogaynaya, marka qofku waa inuu ka fakiro waxa uu odhanayo intaanu dhawaaqin.

Marka haddii uu doonayo inuu ku hadlo wax khayr leh oo waxtar leh ha hadlo, haddiise uu yahay mid shar ah oo dhibaato u soo jiidaya qofka naftiisa ama bulshada kale ha iska daayo oo ha iska aamuso.

Xikmadaha Maanta

  • Qofka naftiisa raaciya Aduunyada, waxa keliya ee uu ke helaa waa qabriga yare e lagu aaso, laakiin qofka naftiisa Allah (sw) u dhiibaa wuxu siiyaa Janno nimco u dhamaystiran tahay.
  • Nin ayaa la waydiiyey waxa keligii cidlada u joogo ? Wuxuu ku jawaabay: “ Rabbigey ayaan la joogaa markaan rabo inuu ila hadlo Qur’aankaan akhriyaa, markaan rabo in aan la hadlona laba rakcadood baan tukadaa”.

Akhaalqda Wanaagsan

  • Marka aad sarayso saaxiibadaa ayaa ku garanaya qofkaad tahay!, laakiin markaad hoos udhacdo adiga ayaa garanaya saaxiibadaa nooca ay yihiin..
  • la joog dadka ku qadarinaya, ha udhigin qiimahaaga hoos, hadii qadarinta iyo tixgelinta la miisaamilahaa waxay ka qaalisnaan lahaayeen dhagxanta dahabka ah.Akhaalqda Wanaagsan
  • kalluunku afkiisa ayuu xidhaa si an loo ugaadhsan, xidh afkaaga waxaa jira kuwo khaladkaaga raadinaya, xurmee kan ku baahda.Akhaalqda Wanaagsan

loox ayaa musbaar ku yidhi waad i dulmiday, musbaarka ayaa ugu jawaabay hadii aad arki lahayd dubaha la ila dhacayo waad ii cudurdaari lahayd, u cudurdaar dadka,  noqo sida qorraxda oo kale mid saafi ah niyadana hagaaji.

Akhaalqda Wanaagsan

war celin