10 Arrimohood ugu diyaargarow si aad uga faaiidaysato Bisha Ramadaan | best

0
10 Arrimohood ugu diyaargarow si aad uga faaiidaysato Bisha Ramadaan

Xogside – Waxaynu ognahay in adduunyada arrimeheeda ku tallo gal loo yeesho, qofka hadii fursadi soo marto uu u diyaargaroobo sidii uu uga faa’iidaysan lahaa. Sidoo kale marka ay jiraan bandhigyada ama Carwooyinka wax laga iibsado ama laga faa’iido qofku wuu u diyaargaroobaa. Sidaa awgeed walaalayaal Ramadaan waa Fursad sanadkii hal mar soo marta qofkii Ilaahay gaadhsiiyo, waa in aynu u diyaargarownaa. 10 arrimohood ayaa loo baahan yahay in lagu qaabilo.10 Arrimohood ugu diyaargarow si aad uga faa’iidaysato Bisha Ramadaan

1) Niyo wanaagsan in aan la nimaadno, niyada wanaagsana xitaa hadii aanu wixii samayn Ilaahay
wuu ugu naxariistaa. Ilaahay wuu ku garab gelayaa hadii aad si niyo ah ula timaado in aad
gudanayso bisha Ramadaan wixii Ilaahay ku faray.
2) In aan Ilaahay sii barano, waynu naqaan laakiin waynu ka edebsanaynaa. Waxaynu naqaan
qofku, qofka uu u shaqeeyo wuu iska dhisaa marka uu la joogo si weyn ayuu u shaqeeya, haduu
ka tagna sidii wuu iska bedela, laakiin Ilaahay mar kasta waa ku arkayaa marna kaama tegayo,
xitaa hadii aad adigu ka tagto. Hadii qofku garto in Ilaahay mar kasta dusha kala socdo wuu
toosnaanayaa
3) In aan Nebiga ku dayano oo aan eegno wixii uu bisha Soon samayn jiray, sidii uu ummada u
baraarujin jiray iyo dedaalkiisii.
4) Waxaynu ku diyaargaroobaynaa in aan nafteena xisaabino. Si aan guul u gaadhno Aakhiro waa in
aynu isa sii xisaabinaa inta aan adduunyada joogno . Cumar Binu Khadaab waa uu lahaa “
Xisaabiya naftiisa inta aan la idin xisaabin” . Xasan Al Basri isna waxa uu lahaa ‘’ Dadka qaarkood
xisaabtu way u fududaatay sababta oo ah adduunyadii intii ay joogeen ayey isa soo xisaabiyeen,
qaarna way ku adkaatay oo is may soo xisaabinin’’. Marka uu qofku naftiisa xisaabiyana sadde
arrimood ayuu ka dhaxlaa; inuu ceebtiisa garto, inuu Ilaahay ka cabsado iyo inuu Jannada ku
guulaysto.
5) Waxaynu ku diyaargaroobaynaa Toosaanta. In aynu jidka wanaagsan ku toosnaano. Toosnaanta
hadii tusaale ka soo qaadano yoolkaaga ama Shukaantaada oo aad ku hagaajiso Jidka cad ee
Ilaahay ku toonaashihiisa iyo Jannada loo maro.
6) Waxaynu ku diyaargaroobaynaa in aynu qalbiga daahirino. Qalbigu wax badan buu
wasakhoobay oo waxyaabo badan ayaa ku jira, waxyaabahaas ina soo gaadhay haddii aynu ka
daahirino waxaynu helaynaa raaxda cibaadada iyo ka bogashadeeda. Ilaahay baa inala hadlay oo
waxa uu yidhi “ Miyeydaan doonayn in aan idiin denbi dhaafo, hadaad doonaysaan in aan idiin
denbi dhaafo idinku dadka iska daaya’’.
7) Waxaynu ku diyaargaroobaynaa in aynu dardaarankeena sii qoro. Ha is odhan Ramadaan ayaa
soo dhow ama la gaadhay ee sii diyaarso Raashinka iyo alaabtaba waa gaadhi oo kan ayaad
samayn doontaa. Bal dib u warayso Ramadaanadii ina horeeyey, imisa qof oo sugayey in ay
Soomaan ama ciida diyaar u ahaa ayeynu aasnay. Sidaa awgeed ha ku tallo gelin, ileen waxaad
ogtahay ma ahee dardaaraankaaga iska qor. Sidaas oo kale wixii adiga kaa dayacmi lahaana sii
qoro.

8) Waxaynu ku diyaargaroobaynaa in aynu Ilaahay xuskiisa badino. Digriga ama xuska Alle waxa uu
kordhinayaa in aad si deg-deg ah ama xawli ah ugu socoto Jidkii toosnaanta ee aan soo
sheegnay. Safarka adduunyada marka la gelayo waa la tartamaa oo gaadiid wanaagsan, shidaal
wanaagsan iyo sahay ayaa lagu tallo galaa si safarku kuugu hagaago. Jidka Ilaahay iyo Jannaduna
si ay kuugu hirgasho waa in Digri iyo xus joogto ah oo badan la la yimaadaa, sida uu Nebigu(Cs)
inoogu sheegay Xadiiskii macnihiisu ahaa “ Kuwa Digri yaqaanka ah ama Daakiriinta ahi cid kasta
way ka dheereeyaan”.10 Arrimohood ugu diyaargarow si aad uga faa’iidaysato Bisha Ramadaan
9) Waxaynu ku diyaargaroobaynaa Alle ka cabsi. Waxaynu kordhinaynaa Alle ka cabisigeena, Alle
ka cabsigu wax weyn weeye, Quraankuna wax badan ayuu inagala dardaarmay. 258 Ayadood
ama Eray ayaa ku soo Arooraya Alle ka cabsiga, waxa layna tusayaa qiimaha uu leeyahay Alle ka
cabsigu iyo inuu yahay Sahayda ugu weyn ee adduunka lagala tago.10 Arrimohood ugu diyaargarow si aad uga faa’iidaysato Bisha Ramadaan
10) Waxaynu ku diyaargaroobaynaa Towbad. In aynu Towbad la nimaadno. Towaduna waa in aad
garowshiinyo bixiso oo aad ogaato in aad tahay Adoon yar oo dhac-dhacaya oo gefkiisu badan
yahay, Ilaahayna aad u weynayn ugana xishoon ama u qadarin sidii xaqiiso ahaa. Waa in noqotaa
qof goor kasta Ilaahay hoos taagnaataa oo ka werweraya oo ceebtiisa qiranaya, sidaas ayaa
laguuga denbi dhaafayaa. Towbadu waa jidka loo maro jannada, haduu qof Towbad keeni
waayo, Istiqfaar la iman waayna waxa uu noqonayaa qof is mahadiyey oo naftiisa iyo
shaydaanku been u sheegeen. Nebi Maxamed (CS) ayaa inoo sheegay inuu Maantii in ka badan
70 jeer Ilaahay denbi dhaaf weydiisan jiray. Inagu halkee ayeynu joognaa? maxaa xasuunaa?
Weliba marka qof uu sii weynaado waa in Istiqfaartiisu kordhaa.10 Arrimohood ugu diyaargarow si aad uga faa’iidaysato Bisha Ramadaan
Tobaankaa arrimohood hadii aynu weelayno waxa laga yaabaa in Qalbigeenu sifoobo oo aynu
Ramadaanka Ajuurteeda wax ka helo.10 Arrimohood ugu diyaargarow si aad uga faa’iidaysato Bisha Ramadaan

10 Arrimohood ugu diyaargarow si aad uga faaiidaysato Bisha Ramadaan

fariin noogu reeb