Ciidanka dab demiska ee Somaliland ayaa maanta baqtiiyay guri uu dab ka kacay xaafadda Xawaadle ee degmada Ibraahin Koodbuur, kaasoo aanu ka dhalan khasaare nafeed.
Taliyaha ciidanka dab demiska Somaliland Sarreeye Guuto Axmed Xasan Sawaaxili oo qayb ka ahaa gurmadka ayaa sheegay in aan wax khasaare nafeed ahi ka dhalan dabkaasi, laakiin ay bas beeleen labadii guri ee uu dabku ka kacay, kuwaasoo ahaa buul iyo jiingad, waxaana taliyaha ciidanka dab demisku uu sheegay in labadan guri ay xidhnaayeen markii uu dabku ka kacay, isla markaana ay ciidanka dab demisku ay kasoo badbaadiyeen laba caruur ah, oo dusha lagaga xidhay mid ka mid ah guryahaasi.
Taliyaha ciidanka dab demisku waxa uu ugu baaqay bulshada in aan carruurta lagu xidhin guryaha, taasoo uu ku tilmaamay inay tahay khatar weyn, waxaanuu sheegay in dabku uu kaco xilliyada baylahdu jirto, ee aan waalidku joogin guryaha.
Qaar ka mid ah dadkii goobjoogga ahaa oo la hadlay warbaahinta dawladda ayaa sheegay in dabku uu marka hore ka kacay buulka, isla markaana ilbdhiqsiyo gudahood uu ku gaadhay guriga kale, waxaana ay xuseen in dabkaasi uu khatar weyn geliyay laba carruur ah oo guriga dhkada lagaga xidhay, kuwaasoo ciidanka dab damisku ay markii dambe ka jabiyeen albaabka.
Ciidanka Dab Demiska Ee Somaliland Oo Caruur Kasoo Badbaadiyay Guri Gubtay