7 Sirood oo Sababi Kara in Dakhligaagu Sare u Kaco
Waxa jira todoba sirood oo muhiim ah, kuwaas oo aad sare ugu qaadi karto qiimiga shaqadaada iyo dunidaadaba.
Mid kasta oo afkaarahan ka mid ahi iskeed way kaafiyi kartaa, maaliyad ahaan in aad meel mar noqoto.
Afkaarahaas markaad isku sii wada xidho, waxaad bilaabidoontaa in aad maaliyad abuurto; kadibna aad dhakhso hore ugu marto si aan hore loo arag.

Dhakhso badni
Sirta koowaad ee sare u qaadista qiimahaagu, waa adiga oo hawl kasta u qabta si dhakhso badan. Kordhi xawaaraha aad ku qaban karto hawl gaar ahaaneed oo lagaa sugayo in aad soo gudbiso.
Qof waliba maanta waa bilaa dulqaad. Macmiil laga yaabo in aanu shalay u baahneyn badeecooyinkaaga ama adeegyadaada ayaa laga yaabaa in uu maanta u baahan yahay. Sida ay natiijadu tahay, meeshaas waxa ka muuqda xidhiidh toos ah oo u dhexeeya xawaarahaaga dad u adeegiseed iyo arigtidooda ku aadan qiimaha alaabadaada ama adeegaaga.
Kolkaad dhakhso hawl u qabatid, waxa laga yaabaa in laguu arko inaad aad u xirfad badan tahay marka loo eego mid aan sidaada u firfircooneyn. Sidoo kale alaabooyinkaaga waxa loo arki doonaa kuwo tayadoodu sarreyso.
Dhakhsuhu waxa uu ku siiyaa fursad aad kaga guuleysato kuwa kula loolamaya, dhinac walba. Casriyeyn kasta oo lagu sameeyo ganacsiga iyo wershadaha maanta jira waxa looga gol leeyahay in hoos loogu dhimo xadiga wakhti ee ku baxaya sidii loo gaadhi lahaa natiijo cayiman.
Waxa looga gol leeyahay in sarre loogu qaado xawaaraha qancineed ee rabitaanada macaamiisha. Horumar kasta oo tignoolajiyadeed waxa looga dan leeyahay xawaareysiinta iyo dardargelinta hanaanka shaqada, si loo gaadho natiijo cayiman.
Ugu badnaan aragtiyaha caanka ah ee maamul ee maanta la hirgaliyey waa kuwo u dhiraandhirsan la dhaqanka dhimista xawaaraha iyo wakhtiga. Aad iyo aad, tartanka ganacsi waxa looga gol leeyahay sidii shirkadaha kale looga hor mari lahaa, iyadoo la raadinayo habab dhakhso badan oo macaamiisha loogu adeego.

Dhakhso badni kasta oo cusub oo la xidhiidha qancinta macaamiishu waxa ay noqotaa arrin shirkadda kula loolamaysa ku boorisa in ay bedalkeeda oo kale la shir timaado haddii ay rabto in ay suuqa ku sii jirto. Gebi ahaan waxaad u baahan tahay hal fikrad oo macaamiisha u adeegta, taasi oo boqolkiiba toban ka dhakhso badan marka loo eego shirkadaha kula loolamaya.
Tom Monaghan, Domino’s Pizza waxa uu ku bilaabay hal fikrad oo fudud oo ah in uu Pizza-da u dhigdhigo si ka dhakhso badan cid kale oo kasta oo isaga tartan kula jirtay. Wuxuu hawlgabay isaga oo haysta $1.8 milyan oo doolar.
Waa in aad maalin walba ka fekerto sidii aad sarre ugu qaadi lahayd dhakhsaha macmiil u adeegista. Dhakhsuhu waa isha dhabta ah ee qiimaha, kaas oo dadku ay jeclaan doonaan dartii in ay lacagta kuula soo weecdaan. Sirta labaad ee sarre u qaadista qiimahaaga iyo abuurista hantiyeed, waa adiga oo macaamiishaada u soo bandhiga tayo aad u sarraysa marka loo eego kuwa kula loolamaya iyo weliba qiime la siman qiimaha suuqa.
Si aad tayada u wanaajiso, waa in aad baadigoobto sida ay macaamiishaadu wax u rabaan; kadibna raadi habab qancineed oo ku haboon rabitaanada macaamiisha, adoon qiimaha sarre u qaadayn. Shirkado badani si dhaba uma yaqanaan sida macaamiishoodu ay tayada u qeexaan.
Waxa xaqiiqo ah in tayadu ay tahay wax kasta oo macaamiishu ay ku sifeeyaan in ay tahay.
tayadda oo sare loo qaado
Aqoonta maamul ee tayodhawr dhamaystiran ayaa si fiican u qeexday tayo waxa ay tahay oo ina odhaneysa, “Tayadu waa fahmidda waxa macmiilkaagu uu si dhaba u rabo iyo in sida ugu dhakhsaha badan loogu diyaariyo sida uu macmiilku rabo marka loo eego kuwa suuqa kugula loolamaya.”
Waraysiyo lala yeeshay kumanaan macmiil ayaa daaha ka rogay in laba arrimood ay dhacaan mar kastoo wax la iibiyoba.
Waxa la iibinayo oo ah alaab ama adeeg iyo sida alaabadaas ama adeegaas loo iibinayo. Hadaad hudheel leedahay uma baahnid in aad hudheelo kale la tartanto, laakiin waxaad u baahan tahay in aad qanciso rabitaanada macaamiishada adigoo ugu adeegaya si dhakhso badan, akhlaaq leh, nadaafad leh iyo qiime macquul ah.
Si joogto ah isu weydii, “Sidee ayaan u kordhin karaa tayada waxa aan ka shaqeeyo, anigoo u eegaya waxa dhab ahaan macmiilkaygu ay rabaan?” Adeegso istaraatejiyadan.

Dhegayso su’aalaha, soo jeedimaha iyo xitaa cabashooyinka macmiilkaaga. Martiqaad u fidi macaamiishaada si ay kuu siiyaan dareencelimahooda dhabta ah ee ku aadan waxa aad ka shaqayso. Weydii in ay hayaan soo jeedimo kasta oo la xidhiidha sidii aad u wanaajin lahayd tayada alaabahaaga ama adeegyadaada.
Haddii aad sidaas yeesho waxay kuu sheegi doonaan waxa aad samayn karayso si aad iyaga u raaligeliso. Fikradahani waxa ay ku siin karaan sirta guusha ee suuqa. Sirta sadexaad ee maalqabeen aad ku noqon karaysaa waa adiga oo raadiya habab aad qiime ugu kordhiso wax kasta oo aad qabato.
Haddii aad dooneyso in aad gaar u istaagto qof ahaan ama shirkad ahaan, waa in aad qiime ku kordhiso wax kasta oo aad qabaneyso sidaasi darteed macmiilkaagu wuu ku fahmi doonaa; waxa aad iibineysaana waxa uu noqon doonaa midka loogu jecel yahay marka loo eego alaabaha ama adeegyada laga iibsado kuwa kula loolamaya.
Maxaad samayn lahayd si aad qiime ugu kordhiso waxa maalin walba aad qabato? Dadka wax iibiya ayaa qiime ku kordhiya waxa ay ka shaqeeyaan, kuwaas oo su’aalo wacan waydiiya; si taxadar lehna u dhegaysta macaamiishooda.
Inta badan su’aaluhu waa kuwo la xidhiidha alaabooyinka ama adeegyada ay macaamiishooda ugu talogaleen. Sida ay natiijadu tahay, wax iibiyeyaasha sidaas wax ugu dhug yeesha, macaamiishu aad ayey u qadariyaan; waanay ka soo dhawaystaan wax iibiyeyaasha kale ee aan dareenkaas lahayn.
Sirta afraad ee qiime ku darista waxqabadkaagu waa fudaydinta ah in wax lagaa iibsado, si loo isticmaalo alaabooyinkaaga ama adeegyadaada.
Hudheelada cuntooyinka fudud iibiya ee kumanaanka ahi, waxay ku xisaabtamaan intee oo qof ayaa lacag la diyaar ah oo danaynaya in si fudud wax looga iibiyo.
Boqolkiiba 15 ilaa boqolkiiba 20, macaamiishu waxay lacagta ku bixiyaan tayada alaabooyinka. Waa arrin mudan marka iyaga loo eego, ma doonayaan in ay gaadhiga u kaxaystaan dhanka magaalada si ay u aadaan xarun dukaamaysi ama booshari weyn oo khudradeed si ay wax uga soo gataan, laakiin waxa ay doonayaan tacab la’aan sida ugu fudud in ay ku helaan waxa ay doonayaan.