Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka oo Magaaladda Ceerigaabo ka dhagax dhigay Qaybta Waalida ee Cisbitaalka Ceerigaabo

0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland Dr Maxamed Cabdi Xergeeye oo Safar shaqo ku jooga Magaaladda Ceerigaabo oo uu Weheliyo Maayarka Magaaladda Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur ayaa si wada jir ah u dhagax dhigay Cisbitaalka dadka Maskaxda ka xannuunsanaya oo laga hirgalinayo Magaaladda Ceerigaabo.

Maayarka Magaaladda Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur oo halkaasi ka hadlay waxaanu soo dhaweeyay dhagax dhiga qaybta dadka dhimirka ka xannuunsanaya ee Cisbitaalka Ceerigaabo waxa uu Maayarku sheegay in Mashruucan ay baahi badan u qabeen bulshadda gobolka Sanaag.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland Dr Maxamed Cabdi Xergeeye ayaa faahfaahin ka bixiyey Ujeedada Kormeerka uu ku tagay Gobolka Sanaag waxana uu xusay inay soo mareen gobolladda bariga ee dalka isla markaana ay soo fureen Cisbitaalkii Maan-dhaye ee Magaaladda Burco oo mudo xidhnaa, waxaanu intaas ku daray inay socdaal ku soo mareen gobollada Saaxil iyo Sool isla markaana ay soo dardargeliyeen Cisbitaalada lagu daryeelo dadka Maskaxda ka xannuunsanaya.

Wuxuu agaasimaha guud sheegay in Wasaaradda Caafimaadku ay wado qorshe kor loogu qaadayo xarumaha caafimaadka ee dadka dhimirka ka xannuunsanaya ee guud ahaan dalka waxaanu intaas ku daray in Mashaariicdan laga maalgelinayo khasnada dawlada isla markaana aanay Jirin Cid Somaliland ka taageeraysa, Waxa uu agaasimaha guud intaas raaciyey inay ku rajo weyn yihiin in sida ugu dhakhsaha badan loo dhiso goobtan ay ka dhagax dhigeen qaybta daryeelka dadka dhimirka ka xannuunsanaya ee Cisbitaalka Magaaladda Ceerigaabo.

fariin noogu reeb