Hargeysa (Xogside) – Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wecyigelinta ayaa xarunta wasaaradda warfaafinta kusoo dhaweeyay culimo uu hoggaaminaayo Sheekh Cabdirashiid Cali Suufi.
Waxa qaariga iyo culimada uu hoggaaminaayo soo dhaweeyay qaar ka mid ah madaxda sare ee wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo weycigelinta.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wecyigelinta Maxamed Yuusuf Ismaaciil iyo Madaxa idaacadda Quraanka kariimka ah ee Wasaaradda Warfaafinta Rafiiq Rashiid Bullo ayaa culimada iyo sheekha ka siiyay warbixin guud siday u shaqayso idaacadda quraanka ee Raadiyaw Hargeysa, oo ah idaacad laga dhegeysto dhammaan gobollada Somaliland oo dhan.
Qaariga weyn ee soomaaliyeed Cabdirashiid Cali Suufi ayaa uga mahadceliyay Wasaaradda Warfaafinta soo dhaweynta ay u sameeyeen, isagoo tilmaamay inay aad ugu faraxsan yihiin hirgelinta iyo shaqada ay qabato idaacadda quraanka ee Raadiyaw Hargeysa, oo uu sheegay inay tahay arrin Khayriya oo mudan in lagu soo hirto.
Intaas kaddib sheekha ayaa booqday idaacadda Quraanka ee Raadiyaw Hargeysa oo ku taalla xarunta Wasaaradda Warfaafinta Qaranka, isagoo idaacadda si toos ah uga Akhriyay qaar ka mid ah Aayaatka Quraanka Kariimka ah.