Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha Qaranka Somaliland Oo Ka Daahfuray Tabobar Waddaniyadda Degmada Gebilay

0

Agaasimaha guud ee wasaaradda xidhiidhka goleyaasha qaranka Jsl oo uu weheliyo agaasimaha waaxda dastuurka wasaaraddaasi ayaa maanta ka daahfuray tabobar hal maalin ah oo lagu baranyo dastuurka iyo waddaniyadda degmada Gebilay.

Barnaamijkan ayaa waxa ka faa’ideysanaya xubnaha golaha deegaanka ee degmada Gebilay, waxaana kasoo qayb galay badhosaabka gobolka Gebilay, maayarka golaha deegaanka iyo ku xigeenkiisa. Waxaana ugu horreyn halkaasi ka hadlay agaasimaha waaxda dastuurka wasaaradda xidhiidhka goleyaasha Maxamuud Axmed Cali oo sheegay in qofkasta oo dalkan u dhashay ay tahay inuu garto waxa xaq loogu leeyahay iyo waxa uu isagu xaqa u leeyahay sidaas awgeed ay barnaamijkan lagu baranayo dastuurka ay u hirgeliyeen.

Maayarka degmada Gebilay Maxamed Cumar Cabdi ayaa uga mahad’naqay wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo dastuurka tabobarkan ay u furtay xubnaha golaha deegaanka ee degmadaasi, waxaana uu sheegay in ku dhaqmi doonaan waxyaabaha ay ka korodhsadaan tabobarkaasi.

Badhosaabka gobolka Gebilay ayaa ku booriyay xubnaha golaha deegaanka ee degmadaasi oo dhammaantood ka qayb galay tabobarka inay ka faa’ideystaan khubarrada bixinaya casharrada dastuurka iyo waddaniyadda oo uu tilmaamay inay waajib ku tahay dhammaantood inay gartaan.

Gebo gebadii agaasimaha guud ee wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo dastuurka Somaliland Marwo Deeqa Cabdi Yuusuf oo halkaas ka hadashay ayaa sheegtay inay tababorkan oo kale ay kasoo qabteen gobolka Saaxil iyo gobolka Awdal maantana ay ku qabanayaan gobolka Gebilay. Waxaana ay ku dardaartay xubnaha golaha deegaanka ee degmada Gebilay inay xil iska saaraan barashada dastuurka iyo waddaniyadda sidii loo fahansiin lahaa bulsahda qaybaheeda kala duwan.

Tabobarkan ayay sheegeen mas’uuliyiinta wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo dastuurku inuu socon doono muddo hal maalin lah.

fariin noogu reeb