Aqoon Daradii Lumisay Dhulkii Quruxda Badnaa

0

Madmareenkii Talyaaniga ahaa Christopher Columbus markii uu  gaadhay qaaradda America oo wakhtigaasi ay ku noolaayeen dadkii Hindada cascas oo ahaa bulsho badow ah waxa uu u sheegay in haddii aanu arimaha uu doonayo aanay yeelin in isaguna uu Dayaxa ka qarin doono.

Koox isaga la socotay oo cilmiga xidigiska aad u yaqaana ayaa dadkaasi isla markiiba u sheegay in arinkaasi runtii yahay oo caawa aan dayax la arki doonin. Habeenimadii ayuu Dayaxu madoobaaday, isla markiiba Hinidada cascas hogimyaayshooda iyo odyaashooda ayaa u yimi Christopher Columbus iyo saaxiibadii waxayna ogolaadeen in waxa kasta ay yeelayaan laakiin uu Dayax usoo celiyo.

Waxay u fuliyeen xarxarf wixii uu ka doonayay Christopher Columbus dadkaasi. Habeenkaasi Hindida cascasi waxay ka faa’iiday in xafladahooda ay ilaa maanta dhigaan, laakiin waxa ay ku waayeen qaarad dhan oo reer Yurub kala wareegeen. Waxaana ay ahayd mid ka mid Khiyaamooyinkii Reer Yurub dunida kula wareegeen.   Dayax Madoobaadku wakhtiga uu dhacayo waxa ay ahayd arin cilmi ahaan loo saaadaalin jireen wakhtiyo fog, iyadoo laga soo tiriyo Dayax madoobaadka hore ee dhacay.

fariin noogu reeb