Aqoonta Iyo Akhriska Badan

0
Aqoonta Iyo Akhriska Badan

Xogside – Aqoontu waa awood, waxaana la odhan karaa akhrisku waxa uu k mid yahay hababka ugu wanaagsan ee aad ku horumarin karto xirfadaada.

Akhrisku waxa uu kaa dhigi karaa hogaamiye kalsooni badan. Aragti iyo aqoon buuxdana haysta, waxa aad qaadan kartaa go’aamo sax ah, kuwaas oo ah kuwa ay dadku rabaan.

 

Akhrisku waxa uu qiimo weyn u sameeya aqoonta iyo waayo aragnimada qofka. Aayadii ugu horaysay ee Quraanka kariimka ah soo degtaana waxa ay ahayd “ Akhri” oo Rasuulka (scw) Allah ku amray inuu magaciisa akhriyo. Waan qiimaha cilmiga dhamaantiis iyo gaar ahaan akhriska.Aqoonta Iyo Akhriska Badan

 

Iyadoo timaadada qofku Allah (sw) ogyahay haddana waxa laga saadaaliya sida qofka noloshiisu noqon doonto wakhtiyada ku soo waajahan Kutubta iyo buugaagta uu akhriyay iyo bulshada uu la dhaqmay.Aqoonta Iyo Akhriska Badan

 

Akhrisku waa horumarka bulshooyinka, qofka akhriska badani wuu ka maskax iyo miisaam weyn yahay dadka aan akhriska badan samayn maxa yeelay waxa uu helayaa qoraalo kala duwan oo saamayn ku guud noloshaka iyo qaybaheeda kala duwan, kuwaas oo soo burqaday maskaxo aqooni ka soo ka buuxdo.Aqoonta Iyo Akhriska Badan
Akhrisku waxa saameeya hab dhaqanka, fikirka iyo fogaal aragga qofka ama bulshada akhriska badan.  Aqoonta Iyo Akhriska Badan

 

Dalka Japan waxa uu ka mid yahay dalalka dunida ugu akhriska badan waana tan keentay in ay ka mid noqdaan dalalka dhaqaale ahaan caalamka dhinaca hore ku jira. Aqoonyahano badan oo la weydiiyay aadmiga hogaanka dunida qabanaya, waxa ay si degdeg ah uga jawaabaan waa dadka akhriska  badan.  Dhamaan dadka dunida wax ka bedelay waxa ay ahaayeen kuwo akhriskoodu aad u sareeyay.

Aqoonta Iyo Akhriska Badan

fariin noogu reeb