Balaayin Doller Ayaa Ku Buxa Sanad Kasta

0
Balaayin Doller Ayaa Ku Buxa Sanad Kasta

Xogside – Avram Noam Chomsky waa oday Maraykan ah oo dhashay sanadkii 1928 aqoon sare oo PHD ku qaatay falsafadda , aqoonta maskaxda iyo sida ay u shaqayso (cognitive scientis) wakhtigan ku sugan University of Arizona  ayaa qoraalo badan ka sameeyay xeelado dadka lagu kasbado oo maskxadoodana hogaanka loogu qabto si dhib yar.Avram Noam Chomsky

Waxaana uu sheegay  in dadka oo aqoonta iyo fikirka lagala dagaalamo ay tahay kuwa ugu muhiimsan, waayo marka dadku aanay aqoon lahayn fikirkooduna maaha mid shaqaynaya, waxaad u jeedina kartaa halka aad doonto, waxaana aad u maamuli karta sida aad adigu rabto.

Chomsky Wuxux yidhi “ Caamada waxba kama duwan caruurta, ma kala garan karaan inaad nacas tahay iyo inaad fariid tahay, waana inaad mar kasta ula hadasho sida aad adigu rabto, mar kasta u sheeg  been iyo mala awaal iyo sheekoyin samaysa oo khuraafaad ah” “ Xataa haddii aad u sheegto waxaan dhici karin oo sababo ku qanciso way aaminayaa, waa inaad cabsi gelisaa taasi habka ugu fiican ee aad ku aaminsiin karto, waxa aad rabto”.Noam Chomsky - Wikipedia

Dal kasta iyo goob walba waxa jooga kuwo bulshada ku cabsi geliya sheekooyin ay sameeyeen iyo khurafaad aan run ahayn si ay ugu hogaansamaan dano ay leeyihiin.  Qofka ku sheegaya khuraafaad iyo hadalo aan caqli iyo xikmadd ku dhisnayn marka hore ayuu og yahay inaad adigu tahay Nacas aan fikir iyo caqli midna lahayn oo la gashan karo hadba wixii la doono, iyadoo isla markaana lagu fushan karo waxa loo sawiray ee mala awaalka ah.

Balaayin Doller Ayaa Ku Buxa Sanad KastaAvram Noam Chomsky | Jean Fernandes Godoy | Flickr

fariin noogu reeb