Golaha Sare Culimada ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa xaqiijiyay in bisha Ramadaan ee sanadkan 2021 ay noqon doonto 30 maalmood, sidaas darteed maalinta koowaad ee Ciidul Fitriga sanadka 2021 ee Sacuudi Carabiya, ay noqon doonto maalinta Khamiista May 13-keeda, sida uu muujisay cilmi falaga, maadaama bisha barakeysan ee Ramadaan ay ka bilaabatay Salaasa, bishii Abriil 13-keeda.
Xubin ka tirsan Golaha Culimada Waaweyn ee Sacuudi Carabiya ahna la-taliyaha diiwaanka boqortooyada, Sheikh Abdullah bin Al-Manea, ayaa sheegay “in la og yahay in Ramadaan ee sannadkan 1442 Hijriya lagu caddeeyey in si sharci ah u bilaabantay Salaasa Abriil 13, 2021 miilaadiga.
Sada lagu daabcay wargeyska Sacuudiga “Sabq” Sheikh Abdulahi ayaa intaasi ku daray in habeenka Arbacad uu yahay habeenka ugu danbeeyay bisha Ramadaan. Maalinta khamiistana ay tahay maalinta koowaad ee bisha Shuwaal ee Ciida barakaysan ee Fidriga.