Magaalada Boorama 35 Shaqaale ku meel gaadh ah oo ku abtirsanaya qaybtii 3aad ee noocooda ah ayaa arbacadii laga qaaday imtixaan qiimayn ah. Imtixaankan oo uu soo agaasimay Xafiiska Shaqaalaha Dawlada ee gobolada Awdal iyo Salal waxa uu ammin go’an la bilaabmay imtixaanada kale ee noociisa ah ee ay xafiisyada hay’ada shaqaalaha ee dalka oo dhan qaadayeen.
Badhasabka gobolka Awdal ayaa kormeeray habsami u qaadka imtixaankan, waxana gudoomiyaha hayada Shaqaalaha ee gobolada Awdal/Salal Mudane Axmed Nuur Muuse oo warbixin siinaya uu yidhi “Mudane Gudoomiye, waxa aan maanta ka qaadaynaa 35 shaqaale ku meel gaadh ah imtixaan, waxana ay shaqaalahan ka socdaan hayado iyo wasaarada dawladeed oo ay ku meel-gaadh ugu shaqaynayeen, waxana ay qayb ka yihiin shaqaale uu xafiiskayagu xogtooda hore u sugay.
Gudoomiyaha Axmed Nuur Muuse ayaa ka marag kacay in imtixaankani uu qayb ka yahay hogaaminta toolmoon ee gudoomiyaha hayada shaqaalaha dawlada waxana uu yidhi “Mudane Gudoomiye Imtixaankan waxa nagu amray, nagula xisaabtamaya indhahana ku haya Gudoomiyaha Hayada Shaqaalaha Dawlada Mud. Farxaan Aadan Haybe, waxana ay dulucdiisu tahay in sare loo qaado tayada shaqaalaha dawlada iyo in cadaalada qalinku ay noqoto mid ay soo hiigsadaan ardayda maanta wax baranaysa iyaga oo ogsoon inay qalinkooda wax ku heleyaan.
Badhasaab Maxamed Axmed Caalin oo isaguna la hadlay shaqaalaha imtixaanka galaya, ayaa guul u rajeeyay, waxana uu hayada shaqaalaha dawlada ka codsaday inay dib u qiimayn ku sameeyaan shaqaalaha joogtada ah ee dawlada.