Borame Oo Lagu Qabtay Kulan Ku Saabsan Barashada Xeerarka La Xidhiidha Dhibaatada Ka Dhanka Ah Carruurta Iyo Haweenka

0

Wasaaradda Cadaalada Somaliland ayaa magaalada Boorama ku qabatay kulan ku saabsanaa sidii bulshada loo fahan siin lahaa xeerarka la xidhiidha dhibaatooyinka ka dhanka ah carruurta iyo haweenka.

Kulan waxa ka qayb-qaadanayeen wasaaraddaha waxbarashada, shaqo-gelibta, garsooreyaal, xubno ka tirsan ciidamada Asluubta iyo xubno ka tirsan guddiyada xaafadaha kala duwan ee magaalada Boorama.

kulankan oo ay soo  qaban qaabisay wasaaradda cadaaladda Somaliland, waxaana lagaga hadlaayey xeerka carruurta sharciga khilaafta xeer lambar 36/2007, kaas oo ku saabsan sidii sharciga loo horgeyn lahaa carruurta ku xadgudbta.

Isu duwaha wasaaradda cadaaladda ee gobolka Awdal Sacaada Cabadilaahi oo ugu horeyn halkaas ka hadashay ayaa sheegtay in u jeedada tabobarkaasi tahay sidii dadka ka shaqeeya arrimaha la xidhiidha xuquuqda carruurtu ugu dhaqmi lahaayeen xeerkaas, waxna uga baran lahaayeen.

Taliye ku xigeenka ciidanka asluubta Somaliland ee gobolka Awdal Gaashaanle Axmed Nuur Casood, oo ka warbixiyay sida ciidanka asluubtu ay ula qadhmaan maxaabiista ayaa xusay in wada shaqayn fiicani ka dhaxayso ciidanka asluubta iyo wasaaradda cadaaladda.

Xeer ilaaliyaha gobolka Awdal Cabdi Haybe oo isna halkaas ka hadlay ayaa sharaxaad ka bixiyay xeerarka la xidhiidha carruurta iyo haweenka, waxaanuu tilmaamay in xeerarkaasi u baahan yihiin in si dhab ah loogu dhaqmo.

Ugu dambayn agaasimaha waaxda haweenka iyo carruurta ee wasaaradda cadaalada Aniisa Xaaji Dool oo goobtaas ka hadashay ayaa  sheegtay in wasaaradda cadaaladu ay dedaal ugu jirto illaalinta xad gud-gudbyada kala duwan ee ka dhanka ah carruurta iyo haweenka, kuwaas oo xeerarka dalku ay mamnuucayaan in wax dhibaato ah lagula kaco carruurta iyo haweenka, iyadoo xubnihii kulankaas ka qayb galayna u soo jeedisay in casharadii ay kulankaas ka korodhsadeen ay ku dabaqaan shaqooyinka ay dalka ka hayaan, isla markaana ay sii gaadhsiiyaan xubnaha kale ee aan kulankaas ka qayb galin.

fariin noogu reeb