Dhaqanka Aaska iyo caadooyinka geerida ayaa ah mid aad u kala duwan, kuwaasi oo ku salaysan dhaqamada iyo diimaha kala duwan ee dadkaasi haystaan.
Waxaana jira bulsho iyo umado ku dhegan caadooyin gaboobay iyo dhaqamo yaab leh.
Bulashda Igorot ee dalka Philipin ayaa aaminsan in maydka dadka ka dhinta laga soo laalaadiyo dhagxanta buuraha dhaadheer, iyagoo taasina sabab uga dhiga inay tani tahay sidii ay janada u galaan.
Caadadan ayaa la sheegay inay bulshadani aaminsanayd muddo dheer oo aan ka yarayn 2000 Sano, taasi oo ay iska dhaxlayeen mudadaasi.
Waxa kale oo dhaqankoodaas gaboobay ka mid ah in Maydka kursi lagu fadhiisiiyo oo buurtana la saaro, halkaasi oo uu muddo dhawr maalmood ay dadka oo dhami ku arki karaan, mudadaasi ka dibna ay ku ridaan sanduuq oo buurta dusheeda la dhigo .