Bulsho Waraabaha La Nool!

0

Afrika waa qaarad ballaadhan oo si isdaba joog ah loogu arko arrimo badan oo loo arakaya in aany suurtagal ahayn. Bulshooyinka dunida way ka duwan yihiin, dad badan ayaa dhaqda xoolaha, kuwo kalena waxay xoogga saaraan Eyda iyo bisadaha.

Laakiin dalka Naygeriya waxa jira bulsho sabool ah oo iyagu dhaqda waraabaha debed galeenka ah kaasi oo ay suuqyada la marayaan iyagoo ku xarooganaya. Ragga bulshada oo ku nool isku rartan Lagos waxa ay yihiin Gangastaro ah, oo dadka lacag ka qaata daawashada marka ay la ciyaaraan waraabaha.

Waxa ay ku xidhaan silsilad ay sida xakamaha ugu xidhaan taasi oo ay iskaga ilaaliyaan inuu si gaadmo ah u qaniino, waxa kale oo ay isticmaalaan budo ay ku sheegaan inay wax uga tarto qaniiyada suntan ee waraabaha iyo Masaska iyo daayeerada oo xaafaddan isku raranta ku dhaqdaan.
Waxa ay ku gala bixiyaan dalka oo dhan safaro si ay lacago ugu urursadaan daawashada
waraabaha ay dhaqdaan , Masaska iyo daayeerada ayaa iyaguna ka mid ah noolaha kala duwan ee ay dhaqdaan bulshadan saboolka ahi.

Dad badan ayaa aaminsan in isku raratan lagu iibiyo maandooriyaha kala duwan sida awgeedna ay tahay arrin lagu qariyo dhaqashada waraabaha iyo bandhigiisu arrimaha ka socda xaafaddan ku taalla Lagos ee dalka Najeriya. (focusonafrica.info)

fariin noogu reeb