Caadooyinka Guurka Ee Cajiibka Ah!

0

Qabiiloyinka dalka Hinidya ku nool ayaa leh dhaqan guur oo ka duwan bulshoooyinka kale ee dalkaasi. Qabiiladan ayaa wiilku Inanta uu guursanaya u soo bandhiga arinta, laakiin waxa guurkeeda ogolaanaya oo keliya hogaamiyaha qabiilada.

Marka uu ogolaado ka dibna wiilka ayaa inanta u qaadaya dhinaca kaynta iyadoo ay la socdaan laba markhaati, waxaana uu inanta ku xidhayaa geed iyadoo dhinacyadeeda uu ku shidayo dab, ka dibna waxa yimaada ehelada oo halkaasi ku sameeyay qoob ka cayaar ay farxad ku muujiyaan wakhti ay inanta ku hareeraysan tahay ololka dabka. Marka ay iyadu dareento xanuunka kulaylka way qaylisaa, isla markiibana caruuska ayaa ka soo qaada dabka dhexdiisa isagoo xambaarsan ayuu gurigiisa geeya.

Waxaana lagu qalaa guriga digaag aad u fara badan kuwaasi oo arooska iyo aroosadu ay cunaan madaxyadooda, halka lugahoodana la hoos geliyo sariirtooda.  Waxaana caadadan yaabka leh uga jeedaan inuu ninku badbaadin karo gabadha uu reerkooda ka soo kaxaystay haddii ay dhibaato ku timaado.

fariin noogu reeb