Cabdi Xaashi oo wali Saluugsan  sida loo xaliyey khilaafkii Siyaasiyiinta gobolada Woqooyi

0

Siyaasiyiinta Gobolada Waqooyi ee Somaliland ku metela DF Garabka Cabdi Xaashi ayaa qoraal ay soo saareen ku sheegay in aanay qayb ka ahayn xaflada xidhitaanka Shirka wadatashiga ee go’aanka looga gaarayo arrimaha doorashada dalka taasoo beri ka dhacaysa Muqdisho.

Waxaa kale oo ay cadeeyeen inay go’aan ka qaadan doonaan, dibna kala soo wadaagi doonaan Shacabka Soomaaliyeed.

Garabka Cabdi Xaashi Gudoomiyaha aqalka sare oo ayaa 5 xubnood laga siiyay guddiga doorashada xubnaha gobolada woqooyi, halka 10 ka soo hadhayna la siiyay garabka RW ku-xigeenka Mahdi Guuleed sida ku xusan war murtiyeedka beri la shaacin doono ee ka soo baxay shirka wadatashiga.

Labada garab oo maalmihii la soo dhaafay shir la iskugu keenay magaalada Muqdisho ayaa ku heshiin waayey qeybsiga xubnaha guddiga doorashada Xildhibaanada gobolada woqooyi, waxaana markii dambe soo fara geliyey khilaafkooda RW Rooble iyo Madaxda Puntland iyo Jubbaland oo sida kor ku xusan ugu qeybiyey labada garab guddiga doorashada inkastoo ay muuqato in Cabdi Xaashi uu weli saluugsan yahay sida wax loo qeybiyey.

somaliland councal

fariin noogu reeb