Ceelalyada Hore Ciidan adag, iyo Col ma ku Lahayd: qore Maxamuud Xaashi.

0
Farxad iyo raynrayn weyn bay maanta ii tahay, mar hadii ay rumowday riyadayadii ku saabsanayd, casriyaynta iyo balaadhinta, marsada caalamiga ah ee dekeda Barbara. Eebe mahadii waxaan ka mid ahaa foolaadkii, iyo masuuliyiintii far ku tiriska ahayd, ee sida weyn uga fooliyay mashruucan maanta xoorkiisa iyo danbarkiisaba qarankeenu magaabiyay. Maxaa ka haboon in aan idhaahdo qaar ka mid ah erayadii ku jiray heesta Geela marka la soo horo ee uu darka ceelka isasoo tubo si uu biyaha u cabo. (Shifo ku afsaar oo shar kuuma leh).
Ugu horeyn waxaan jecelahay, in aan allaheena wayn uga mahad celiyo, in uu ummad ahaan ina waafajiyay, isla markaana uu inoo fududeeyay mashruucan maalgelinta marsada Barbara. Mar labaad waxaan u mahadcelinayaa madaxweynihii hore ee jsl muddane Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo), oo muddo dheer ku taamayay kobcinta iyo kor u qaadida kaabayaasha dhaqaale ee dalkeena, gaar ahaan dekeda Barbara. Hamigani wuxuu ahaa mid uu xanbaarsanaa Axmed Silanyo xitaa xilligii uu ka tirsanaa xukuumadii Maxamed Siyaad Bare. Kaas oo markii uu ahaa wasiirka Qorshaynta uu maalgelin uga helay dalka Maraykanka balaadhinta dekeda Barbara, iyada oo lagu kordhiyay qaybtii hore ee Ruushku dhisay qayb labaad oo leeg tii hore. Taas oo suurto gelisay in aynu adeegsano dekeda Barbara Afartankii sannadood ee u danbeeyay.
Dhinaca kale, waxaan si weyn ugu mahad celinayaa, dhamaan xubnihii gudida aan ka mid ka ahaa, ee uu madaxweyne Silaanyo u magacaabay ka midho dhelinta mashruucan maalgashiga marsada Barbara. Nidaamka maalgashiga madaxabanaani maadaama uu ahaa mid ku cusub bulshadeena iyo baladkeenaba, wuxuu mashruucu noqday mid si weyn loogu kala maan duwanaa xilligaa. Hada akhriste maaha arrintani mid lala yaabo ileen maan rag waa mudacyo afkood’e. Allaw malo rag waa nooli’e, maanta markhaatigayo janno ma furmay!! Masuuliyiintaa waxaa ka mid ahaa marwo Samsam Cabdi Aadan, Dr Sacad Cali Shire, Cali Salaan Jirde(Cali Shoombe), oo uu daba yaaqadii badalay Maxamed Ibraahin Aadan (Qabyo-tire), Axmed Yuusuf Dirir waa hati dhawraha guud ee qaranka e, isaga oo xilligaa ahaa maariyihii dekeda Barbara. Waxaa kale oo gudidayadan kaaliyayaal u ahaa muddan in loo mahad celiyo lana maamuuso, Ifraax Aadan Cismaan oo ahayd madaxa xidhiidhka mashruuca DPWorld, iyo Caydaruus Mahdi Xaashi, oo ahaa xoghayaha gudida.
Hal abuurka, Hillaadinta, Hindisaha iyo Hamiga fogi, waa astaamaha halbeega u ah hogaamiyayaasha shiraban ee dalkooda iyo dadkooda u horseeda horumar la taaban karo. Waxaan shaki ku jirin in wax aan loo dhibtoon dhayal loo dheefsan. Sidaa darteed, dhamaystirkan mashruucan waxaa dhab ah in aannu u dhibtoonay, u dhalan-dhoolay, una dheemaallay dharaaro badan. Waxaannu u dhabar adaygnay dacaayado badan, iyo dareemo taban oo duufaan ah, kuwaas oo ka dhan ah kooxdayadii ceelalyada ahayd iyo mashruucan maalgashi cudinka ahaa. Mashruucani wuxuu carigeena uga dhignaa, nibiri soo caaryay iyo fursad dahabi ah oo cayn keeda oo kale hore inoo soo marin. Sidoo kale, xubnihii gudidayadu waxaanu ka dhignayn ceelalyadii Qaranka, ragii biyo culusta u fadhiyay, Geeleenii cabayay. Beynoow!! Geela waxa caba ka uu ka horeeyo ceelalyo culus iyo curado cudud leh oo ka ciidamiya biyo culusta. Bal dhugo oo dhegta u raarici qaar ka mid ah erayada dhumucda leh ee geela loogu heeso “Ceelalyada Hore Ciidan Culus iyo Col ma ku Lahayd”.
Nasiib wanaag, dad badan oo madax iyo minjabo leh oo maanta majeeranaya, ama ku mabsuud ah oo isku sawirayaa, ayey shalay ula muuqatay in uu mashruucani yahay malo-awaal, marodhaamo, mashruuc laga leeyahay manfac gaar ah, iyo waxaan dhaafsiisnay madadaalo iyo maaweelo caruureed. Waa eebe mahadii maadhoow mar hadii dareemadaasi madhalays noqdeen mashruuciina midho dhalay.
Ugu danbayn, waxaan u mahad celinayaa safiirkii Somaliland xilligaa u fadhiyay dalka Imaaraatka muddane Baashe Cawil Xaaji Cumar, kaas oo kaalin lama iloobaana ka qaatay inuu guulaysto mashruucani. Waxaa kale oo mudan in aan si gaar ah ugu mahad celiyo madaxweyne ku xigeenka jsl mudane Cabdiraxmaan Cabdulaahi Ismaaciil (Saylici), gudoomiyaha Xisbiga Ucid eng Faysal Cali Xuseen, oo iyana mashruucan ku lahaa kaalin mug leh. Waxaan kaloo u mahad naqayaa mudanayaashii golaha wakiilada ee mashruucan ku ansixayay cod ka badan sadex dalool laba dalool tirada aqalka, iyada oo aydiideen laba mudane qudha mid kaliyina ka aamusay. Taas oo muujinaysay bisaylka iyo fahamka ay u lahaayeen, muhiimada iyo mudnaanta ay leedahay inuu qarankani helo mashaariic maalgashi oo caalami ah.
Guntii iyo gabagabadii, waxaan u mahad naqayaa dawlada Imaaraatka carabta, gaar ahaan wasiirka madaxtooyada sheekh Manzuur Binu Zaayid Al-nahiyan, iyo xaakimka Dubai oo ah raysal wasaaraha dalka isu taga Imaaraatka carabta sheekh Maxamed binu Raashid al-maktum, kuwaas oo la aantood aanu marnaba mashruucani hir galeen. Waxaan u mahad naqayaa shirkada DPWorld gaar ahaan gudoomiyaha shirkada mudane Suldan Ahmed binu sulaym oo ku dhiiraday fulinta mashruucan, isla markaana dhagaha ka furaystay dhawaaqyo badan oo gudaha Somaliland iyo dibadaba kaga imanayay, kuwaas oo ka dhan ahaa meel marinta mashruucan. Waxaan la ilaabi karin doorkii dawlada Ethiopia ku lahayd mashruucan. Sidaa darteed, waxaan u mahad naqayaa madaxda dawlada Ethiopia, kuwaas oo fahamsan muhiimada uu mashruucani u leeyahay labada dal iyo labada dad ee dariska ah, ee uu eebe u daawo qaaday. Waxaan leeyahay shacbiga Somaliland guusha maanta u soo hoyatay Hambalyo. Waxaan leeyahay Hogaamiyaha Qaranka madaxweyne Muuse biixi Cabdina Hambalyo.

fariin noogu reeb