Ciidamada Asluubta Somaliland Oo Loo Daah Furay Diiwan Gelinta Casriga Ee Indhaha Iyo Faraha. | best 1

0

Ciidamada Asluubta Somaliland Oo Loo Daah Furay Diiwan Gelinta Casriga Ee Indhaha Iyo Faraha.

Ciidamada Asluubta Somaliland ayaa loo daah Furay diwaan galin casrigaah  ee faraha iyo indhaha. Diiwan galinta ciidamada asluubta oo lagu qabtay taliska guud ee ciidanka Asluubta ayaa waxa ka qayb galay Wasiirka cadaalada Somaliland , Taliyaha ciidanka Asluubta, Taliyaha ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland , Taliye ku xigeenka ciidanka Asluubta iyo Saraakiisha ciidankaas.

Ugu horeyn waxa faahfaahin ka bixiyey diiwaan galinka ciidanka loo samaynayo taliyaha ciidanka Axmed Cawaale Yuusuf Libaax “ waxaan aad iyo aad u soo dhawaynayaa in ciidanka asluubtu helo document sax ah oo nin waliba waxa uu yahay ku qoranyahay , darajo ahaan, cilmi ahaan iyo qof ahaanba. Waxaan hubaa in aynu inagu nahay qolaadii ugu horaysay ee loo sameeyo ciidamada rigliga ah ee jamhuuriyada Somaliland. Tiro koob uun maha waxa ay tahay in la ogaado qofkasta wixii lagaga talo gali lahaa dhiigiisana ha noqotee, waxaan ku talinayaa qof kasta oo xogtan hortaala wax aanu ahayn in aanu sheegin”diiwan galinta ciidanka

Dhanka kale madaxa diiwan galinta kaadhka aqoonsiga dhalashada ee Somaliland Yaasiin Cismaan Diiriye iyo Maxamed Cabdirashiid oo ka socday shirkada sahal technology ayaa tilmaamay mihiimada Diiwaangalinta casriga ah ee ciidamada asluubta ay ku fadhido” waa mid casri ah oo la jaanqaadaysa ta ugu dambaysa ee caaalamka ka jirta” “ nidaamkan casriga ah ee biometric system ah macnihiisu waa in uu ku shaqaynayo faraha, indhaha iyo wajigaba mid isku maaj garaynaysa”.diiwan galinta ciidanka

Taliyaha ciidamada xeebaha Somaliland Maxamuud Xuseen Xiirane ayaa isaguna ka hadlay munaasibada waxaanu ku bogaadiyey ciidanka Asluubta diiwan galinta casriga ah ee loo samaynayo” horumar ayaa la gaadhay electronic-ga waa hawl fiican anaguna markaanu aragno asluubta sidaad ugu samaysaan ayaanu u iman doonaa insha Allah . dawlad walba waxa u shaqeeya dhalinyaradiisa oo uu baahanyahay. Waxaan leeyahay hore u socda gaadhsiiya meeshii  kasta ee shaqo taalo si xaqiiqda loo gaadho oo ciidanka hawshiisu u fudutaato”

Ugu dambayn waxa munaasibadaa soo afmeeray wasiirka cadaalada Somaliland Saleebaan Warsame Guuleed “ aad bay runtii farxad weyn noogu tahay in aynu maantana ciidankii asluubta ee Somaliland halkan uga daah furayno waxaan leeyahay ha laga faa’iidaysto waa qalab runtii technology ah nimanka hawsha wadaa waa ay ku taboranyihiin laakiin waa in ay ciidankuna u sahlaan si ayna mudadu ugu dheeraan , kolay gobolada waa la tagi doonaa INSHA Allahdiiwan galinta ciidanka

 

fariin noogu reeb