Cunista Kalluunku Waxay Dawo u Tahay Niyad-jabka iyo Murugada | best 1

0

Cunista Kalluunku Waxay Dawo u Tahay Niyad-jabka iyo Murugada

Lafo gur iyo dib u eegis lagu sameeyey 26 cilmibaadhisood oo hore loogu sameeyey in ka
badan 150 kun oo ruux ayaa lagu ogaaday in dadka kalluunka cuna uu cudurka nafsiga ah ee Qulubka (Depression) boqolkiiba 17 ka yaraado.Cunista Kalluunku Waxay Dawo u Tahay Niyad-jabka iyo Murugada

Iyada oo ay culimada arrintan u kuurgalayna sababaha u tirinayaan dufanka asiidhka ah ee kalluunka ku jira oo saamayn togan ku leh dhinacyo kala duwan oo shaqada maskaxda ka mid ah.

Haayadda MIND ee samofalka oo ka shaqaysa caafimaadka nafsiga ah, xarunteeduna tahay
dalka Ingiriiska ayaa sheegtay in cilmibaadhistani ay taageerayso cilmibaadhiso kale oo
muujiyey in uu xidhiidh ka dhexeeyo nooca cunto ee qofku qaadanayo iyo deggenaanshiyihiisa nafsiga ah iyo weliba dabeecaddiisa shakhsiga ahba.Cunista Kalluunku Waxay Dawo u Tahay Niyad-jabka iyo Murugada

In kasta oo aanay daraasaddani si cad oo cilmiya u sheegin halka ay iskaga xidhnaan karaan cunista kalluunka iyo ka hortagga murugada iyo qulubku haddana xeeldheerayaal badan ayaa soo dhoweeyey kuna tilmaamay in ay tanina ka mid tahay uun faa’idooyinkii awalba la ogaa ee uu kalluunku u lahaa caafimaadka maskaxda.Cunista Kalluunku Waxay Dawo u Tahay Niyad-jabka iyo Murugada

Waxaana jira saynisyahanno iyagu si gaar ah u tilmaamay dufanka Omega3 ee kalluunku qaniga ku yahay oo ay sheegeen in ay si weyn u firfircoonayso labada maaddo Kiimikaad ee Dopamine iyo Serotonin oo la aaminsan yahay inay kaalin ku leeyihiin qulubka iyo murugada.

fariin noogu reeb