Dad Kooban Ayaa Mahadnaqa!

0
Dad Kooban Ayaa Mahadnaqa!

Xogside – Waxa la sheegay in nin ka mid ahi dadkii hore ee wanaagsanaa (Saalix) uu indho la’,

xanuunka barastuna qabay, bidaarna lahaa, oo lugaha iyo gacmahaba naafo ka ah, laakiin uu wakhti kasta Allah (sw) u mahadnaqi jiray isagoo odhan jiray :” Mahad waxa leh Allah iga nabad geliyay , dhibaato uu dad badan ku itixaamay”.Dad Kooban Ayaa Mahadnaqa

Nin ayaa maalin soo maray isagoo mahadnaqaya waxaa uu ku yidhi :” Indhoole, barasle, bidaar leh, oo naafo ah ayaad tahay , maxaa Allah ka nabad geliyay ee aad sheegaysaa?

Ninkii Saalixa ahaa waxa uu ugu jawaabay :” Waar hooge, Allah waxa uu isiiyay Carabkan xusaya, qalbigan mahadnaqaya, jidhkaygaa ku sabraya imtixaanka”.Dad Kooban Ayaa Mahadnaqa

Dad badan ayaa rumaysan in nimcadu tahay hantida keliya ee laga mahadnaqayo. Waxa ay ilaabeen Indhaha ay wax ku arkayaan, gacmaha iyo lugaha ay wax ku qabsadaan kuna socdaan. Mar kasta iyo meel kasta Allah (sw) nimcadiisa ka mahadnaq.  Kitaabka: Rasaa’il Min Quraan 45)Dad Kooban Ayaa Mahadnaqa

Dad Kooban Ayaa Mahadnaqa!

fariin noogu reeb