Dal Kasta Sabolnimadu Way Jirta!

0
Dal Kasta Sabolnimadu Way Jirta!

Xogside – Waxay ku nool yihiin dalka Maraykanka , deegaankooda waxa ku yar adeegyada waxabarashada iyo caafimaadka, dhalinyarada bulshadana waxa haysata fakhri iyo saboolnimo aad u weyn, sida awgeedna waxay caadaystaan daroogada iyo dagaalka iyo dilalkuna waaba joogto.Dal Kasta Sabolnimadu Way Jirta!

Arrimahaasi nolosha kharibaya waxa u sabab ah ka dib markii ay ku qanci waayeen heerka nololeedka ay ku jiraan.

Waxay ka cabanayaan shaqo la’aan iyo cunsuriyad joogto taasi oo mararka qaar dilal loogu geysto iyaga laftigooda.  Hogaamiyaha Qabiilada Hindida Cas (red Indians Community) Mr.Black Haw ayaa dhawr qarni ka hor reer Yurubkii ku soo duulay America ay ka sexeexeen qoraal ah inuu dego meelo gaar ah kana guuro magaalooyinka.Dal Kasta Sabolnimadu Way Jirta!

Sexeexa ayaa lagu sameeyay baad shimbireed.  Mar danbe ayuu sheegay in aanu sidaasi  moodayn  maxa yeeelay waxba ma akhriyi jirin mana qori jirin. Sidaas ayay dalal badan oo reer Yurub ahi uga sexeexeen wixii ay iyagu doonayeen shucuubtii badawda ahayd ee dunida kale.Dal Kasta Sabolnimadu Way Jirta!

Qabiiladan Hindida cas ayaan xuquuq iyo ixtiraam ku lahayn Maraykanka. Welina ku jirta nolol adag. Waxay haystaan halkudhegge ah “ Ma doonayno in aanu Tijaar noqono, waxaan rabnaa nabad iyo nolol”.

Dal Kasta Sabolnimadu Way Jirta!

fariin noogu reeb