Dameer Xidhay Ninkii Lahaa!

0

Mr.Caadil Dayfulahi oo ah maayarka magaalada Fishin oo ku taalla koonfurta dalka Masar ayaa sheegay in nin tuug ahi isku deyay inuu xado bakhaar lagu kaydiyo birta xadiidka ah  ee degmada, laakiin isagoo hawshaasi ku guda jira ay ku soo baraarugeen raggii xarunta joogay, wakhtigaasina uu ninkii tuugga ahaa goobta ka cararay.

Tuuga ayaa kaga tegay albaabka bakhaarka Gaadhi uu jiidayay dameer (Gaadhi dameer) kaasi oo uu rabay inuu ku qaato xadiidka.

Ciidanka ayaa go’aamiyay in la sii daayo dameerka isla markaana la raaciyo rag ciidan si uu u tago gurigiisa ka dibna la baadho.

Dameerka ayaa guriga saaxiibkii booliiska ku hagay , wakhtigaasi oo uu joogay ninkii tuuga ahaa ee doonayay inuu xado xadiidka.

Booliiskaa ayaa ninkaasi soo xidhay isla markanaa dameerka ku soo qaaday gaadhiga si  loogu oogo denbiga ninka tuuga ah dadka ay ku cadeeyaan inuu yahay dameerkiisa.

Maayarka ayaa sheegay in Dameerka sababta loo ilaalinayaa ay tahay si loo xaqiijiyo inuu yahay ninka dameerka leh ee watay iyo in aanu shaqo ku lahayn oo kala cadaanaysa.

fariin noogu reeb