Danaystuhu Wadada Guusha loo maro Ma Yaqaan | best 1

0
Danaystuhu Wadada Guusha loo maro Ma Yaqaan

Xogside – Aqoon yahan lagu magacaabo Dr. Richard ayaa yidhi “ Maalin aniga oo dayuurad la socda, waxa dhinacayga fadhiday gabadh yar oo dhigta dugsiga sare, kana soo jeeda qoys sabool ah, waxay aad u jeclayd inay dhibka nolosha qoyskooda wax ka bedesho, waxay iweydiisay sidee guul lagu gaadhaa?Danaystuhu Wadada Guusha Ma Yaqaan

Markaas ayaan dareemay xanuun badan, waayo awood umaan lahayn inaan siiyo jawaab sax ah oo dhamaystiran oo faahfaahsan. Waxaan go’aansaday markaan dayuuradda ka dego inaan raadiyo dad gaadhay guul iyo horumar oo aan su’aashaasi weydiiyo!  Muddo 7 sano ka dib oo aan 500 oo waraysi ka qaaday dad guul gaadhay  waxa ii soo baxay in guul lagu gaadho:Danaystuhu Wadada Guusha Ma Yaqaan

Adigoo la yimaadda niyad sare si aad higsigaaga u gaadho. Dadka raba inay guulaystaan uma shaqaystaan inay helaan lacag keliya waxay u sheqeeyaan iyagoo ku raaxaysta oo macaansada shaqada. Dadka u adeeg  oo u qabo wax qiimo leh , taasi waa jidka ugu gaaban ee guul lagu gaadho.Danaystuhu Wadada Guusha Ma Yaqaan

Xikmadaha Maanta

Qiso: Ilaali Dareenka Kuwa Kula Nool!

Waxa Jira Mid Hamigiisu Gaaban Yahay!

FAAIIDOOYINKA MAHADNAQA

Keligii noole ama dantii raadiye meel dheer  ma gaadho. Qofka ka fekera naftiiisa oo keliya hadafkiisu aad buu ugaaban yahay.  Qofka meesha fog higsanayaa ma xasuusto daalka. Taasi ayaa sabab u noqotay  inay higsigooda gaadhaan.  Guusha waxa loo maraa dhib iyo dadaal mana jirto inay si dhib yar ku timaaddo.Danaystuhu Wadada Guusha Ma Yaqaan

Guusha marka islaamka aynu nahay waa raaliglinta Allah (sw) waan taasi tii ay meel sare ku gaadheen saxaabadii iyo dadkii hore ee wanaagsana. Kuwaasi oo aduunyada u arkayay mid ka liidata Aakhiro. Islaamkuna wuxu ku tiriyay iimaanka marka aad dariiqa ka qaado wax dhibaya dadka. Xikmaduna waa in aanad noqon danayste laakiin noqo mid bulshada guud ahaan kaalmayanaya.Danaystuhu Wadada Guusha Ma Yaqaan

Danaystuhu Wadada Guusha loo maro Ma Yaqaan

fariin noogu reeb