Danjiraha cusub ee Dowladda Hindiya u soo magacoday Somaliya oo maanta dalka soo gaadhay

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee Dowladda Hindiya Mudane Virander Kumar Paul ayaa muujiyey dadaallada miro-dhalka ah ee Dowladdu ay gelisay xoojinta xidhiidhka iyo iskaashiga dalalka caalamka ee dan-wadaagta la ah dalkeenna.

Danjire Kumar ayaa soo gaadhsiiyay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo dhambaal iyo salaan uu uga siday Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Dalka Hindiya, waxa uuna tilmaamay in uu ka shaqeyn doono xoojinta xidhiidhka labada dal iyo sidii loo sii amba-qaadi lahaa iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada shacab.

Danjiraha ayaa dowladda iyo shacabka Soomaaliya uga mahad celiyey soo dhaweynta wanaagsan ee ay ku qaabileen, isaga oo rajo wanaagsan ka muujiyey kobaca iskaashiga labada dal ee dhinacyada waxbarashada, caafimaadka, ganacsiga iyo isu-socodka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la wadaagay Danjiraha Dowladda Hindiya horumarka muuqda ee Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku tallaabsadeen muddadii la soo dhaafay, gaar ahaan dib u habeynta laamaha ammaanka, dhaqaalaha, dayn cafinta, dib-u-dhiska ciidamada, xoojinta dimuqraadiyadda, la dagaallanka argagixisada iyo musuq-maasuqa.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Danjiraha cusub ugu hambalyeeyay xilka loo magacaabay, isaga oo u xaqiijiyey in uu kala kulmi doono shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed wada-shaqayn iyo soodhaweyn wanaagsan.

safiirka hindiya

fariin noogu reeb