Dareenkii Murugooda Iyo Buruburka Shirkadda !

0
Dareenkii Murugooda Iyo Buruburka Shirkadda !

Xogside –  Shirkadda Nokai waxa la asaasay sanadkii 1865, tan iyo wakhtigaasi fog waxa ay ku lahayd suuq ganacsi weyn caalamka, laakiin waxa ay noqotay mid aan samayn horumar balladhan oo ay ku xejisato suqaasi baaxadda leh.Dareenkii Murugooda Iyo Buruburka Shirkadda

Haddaba markii suuqa ku xumaaday oo ay noqotay shirkad aan iskeed isu bixin Karin ayaa loo soo bandhigay suuqyada iibka, waxaana sanadkii 2014 iibsatay shirkadda weyn ee Microsoft, waxaana ay ku iibsatay qiime lacageed oo dhan 5.44 bilyan Euro oo u dhigmaysay  £ 4.61 oo Ginniga Ingiriiska ah.Dareenkii Murugooda Iyo Buruburka Shirkadda

Xusuusta Wakhtiga Adag !

Shirkii jaraa’id ee lagu baahinayay Iibka shirkadda NOKIA iyo inay la wareegtay shirkadda Microsoft  sanadkaasi waxa ka hadlay maamulahii guud ee NOKIA Mr. Steve Ballmer kaasi oo khudbadii uu goobta ka jeediyay ku soo xidhay eraydan “We did not do anything wrong, but somehow, we lost”.  “ Ma jiraan wax khalad ah oo aan samaynay , haddana si ayuu khasaare noogu dhacay “. Erayadaasi ayaa dadkii maamulka kala shaqaynayay iyo isagaba ka oohiyayXusuusta Wakhtiga Adag

Waxa kale oo erayadiis ka mid ahaa “ Burburka Nokie waxa ay na baraysaa dhammaantayo cashar aad u qiimo badan”

NOKIa waxa ay ahayd shirkad weyn oo muxtram ah, wax khalad ahna kumay samayn gancsigeeda, laakiin haddana dunida ayaa si dhakhso ah oo cajiib ah isu bedeshay , taasi oo ka dhigtay tartamayaasheeda kuwo awood badan.

Shirkadda waxa ka maqnaa aqoontii iyo isbedelkii sidaa awgeed waxay weyday fursadii ay ku noqon lahayd shirkad cimlaaqa, baaxad leh oo suuqa ku xaragoota.

Maaha intaasi keliya waxaaba ay weyday fursadii ay ugu sii jir lahayd dunida technooljiyadda casriga ee isbedelka joogtada ah ku jirta. Haa waa sidaasi xaalka dunidu hadii aanad isbedelka la socon tartanka waad ka hadhaysaa, waana khaladka maamul ee burburiya shirkadaha ganacsiga.

Dareenkii Murugooda Iyo Buruburka Shirkadda !

fariin noogu reeb