Dawlada Hoose Ee Magaalada Berbera Ayaa 144 Quri U Qaybisay Dad Danyar Ah Iyo Dad Abaaruhu Soo Baro Kiciyeen
xogside:- 144 qoys oo laga soo kala qaaday xaafadaha kala duwan ee magaalada Berbera qoysaskan oo iskugu jira dad danyar ah iyo kuwa ay saamaynta badan ku yeelatay abaartii kala duwanayd ee ka dhacday goboloda Somaliland iyo deegaanada gobolka saaxil ayaa maamulka dawlada hoose ee degmada berbera ayaa manta u qaybiyey 144 guri oo ay ka dhistay xaafada magaalo Cad ee magaalada Berbera.
Guryahan oo noqonaya wajigii labaad iyadoo hore 156 guri ugu qaybisay dadkaasi oo u badnaa dad danyar ah ayaa fayskii labaad ay u dajisay xaafadaasi, iyadoo lagu wareejiyey warqadii lahaanshiyaha mulkiyada guriga oo uu qofku xaqa ugu yeelanayey guriga.
Ugu horayntii waxa ka hadlay kana war bixiyey agaasimaha waaxda arimaha bulshada dawlada hoose ee magaalada Berbera Xasan Ccabdi Cali , masuulka socda goolaha guurtida Somaliland ayaa soo dhaweeyey guryahan loo qaybinayo dadka danyarta ah ee ku noolaa xaafadaha kala duwan galaalada berbera.
Gabo gabadii waxa ka hadlay xoghaya dawlada hoose Cabdikariin Adan Cade iyo Duqa magaalada Berbera Cabdishakuur Maxamuud Xasan Cidin ayaa si wada jira ula dardaarmay 144 qoys u qaybinayeen guryahaasi isla markaana noqonaya wajiga labaad.