Dawladda Hoose Ee Degmada Burco Ayaa Olole Nadaafadeed Ka Fulisay Degmadaasi

0

Dawladda hoose ee degmada Burco ayaa olole nadaafadeed maanta ka fulisay qaybo ka mid ah degmadaasi.

Maayarka magaalada Burco Cabirisaaq Hero oo warbaahinta qaranka la hadlay ayaa sheegay inay sii laban laabeen ololihii nadaafadda ee dawladda hoose ee degmada Burco ay fulin jirtay, waxaana uu xusay ee gaadiidka kala duwan ee dawladda hoose ee Burco ay gelin hore iyo gelin dambaba ay ka shaqaynayaan sidii loo nadiifin lahaa meelaha sariibadaha ah, hangarrada lagu keydiyo cuntada iyo goobaha huteellada oo uu tilmaamay inay ahaayeen meelaha qashinka ugu badan soo saara magaalada.

Maayar Hero wuxu intaas ku daray in qashinka ay soo saaraan goobaha caafimaadka ee magaalada Burco ay amreen in lagu hayo goobahooda intay gaadiidka dawladda hoose ee Burco u imanayo, si aanay uga dhalan khatar caafimaadi.

Gebo gebadii waxa uu ugu baaqay bulshada ku dhaqan degmada Burco inay ka qayb qaataan ololaha lagu nadiifinayo magaalada oo uu sheegay in maalin kasta oo Khamiis ah laga fulin doono olole dadweyne oo nadiifin ah.

fariin noogu reeb