Dawladda Kenya Oo La Filayo In Qunsul Cusub U Soo Magacawdo Somaliland | best 1

0
Dawladda Kenya Oo La Filayo In Qunsul Cusub U Soo Magacawdo Somaliland

(Xogside)-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya  Ababu Mamwamba, ayaa kulan la yeeshay diblomaasiyiin uu ku jiro qunsulka  cusub ee Kenya u soo dirayso Jamhuuriyadda Somaliland.Dawladda Kenya Oo La Filayo In Qunsul Cusub U Soo Magacawdo Somaliland

kenya iyo somaliland

Sidaasna waxa lagu sheegay qoraal lagu baahiyey Barta Twitterka ay ku leedahay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya, waxa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya, Ababu Mamwamba  uu diblomaasiyiintaas kala hadlay Xidhiidhka caalamiga ah iyo  diblomaasiyadda, hase yeeshee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya ma ay shaacin magaca qunsulka ay Somaliland u soo magacowday.Dawladda Kenya Oo La Filayo In Qunsul Cusub U Soo Magacawdo Somaliland

Jamhuuriyadda Somaliland iyo Kenya ayaa iskaashigooda diblomaasiyadeed sii xoogaysanayey sannadihii u dambeeyey, waxana Jamhuuriyadda Somaliland ay tobankii sannadood ee la soo dhaafay ku lahayd Xafiis Wakiil oo ka shaqeeya isku-xidhka masaalixda iyo danaha labada dawladood.Dawladda Kenya Oo La Filayo In Qunsul Cusub U Soo Magacawdo Somaliland

Kenya waxa ay ku soo biirtay dalalkii Somaliland ku lahaa Xafiisyada oo ay ka mid yihiin Itoobiya, Jabuuti, Turkiga, Ingiriiska iyo Taiwan.

Dawladda Kenya Oo La Filayo In Qunsul Cusub U Soo Magacawdo Somaliland

 

fariin noogu reeb