Dhagax dhiga xarunta ciidanka Dab demiska degmada Gacan libaax oo maanta la dhagax dhigay.

0
Hargeysa  (Xogside)  Munaasibad ka qabsoontay degmada Gacanlibaax ayaa maanta lagu dhagax dhigay xarunta ciidanka Dab demiska ee degmadaasi ay yeelan doonto.
Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Somaliland Sareeye Guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili, Mayorka caasimada Hargeysa, Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun, Xoghayaha dawlada hoose Hargeysa, ganacsato, Salaadiin, waxgarad,haween, aqoonyahan iyo bulshada degmada Gacanlibaax.degmada Gacanlibaax ayaa maanta lagu dhagax dhigay xarunta ciidanka Dab-demiska
Masuuliyiinta halkaa ka hadlay ayaa si isku mida uga hadlay ahmiyada ay leedahay in degmadani yeelato xarun Dab-demis , waxaanay ka mahadnaqeen xaruntan.
Taliyaha Ciidanka Dab-demiska oo halkaa hadal ka jeediyay ayaa u mahadnaqay Mayorka caasimada Hargeysa, xildhibaanada golaha deegaanka Hargeysa, Xildhibaanada golaha Wakiilada iyo guud ahaan bshada xaafada. Taliyaha ayaa tilmaamay ahmiyada ay yeelan doonto xaruntani, waxaanu bulshada kula dardaarmay inay xoojiyaan barnaamijyada iskaa wax u qabsada.

fariin noogu reeb