Waxay ragga qaarkood aamineen oo buugaag ku qoreen in dumarku yihiin kuwa xumaan oo dhan sabab u ah. Yurub Qarniyadii dhexe oo dhan sidaasi ayay aaminsanayd waxaana ay dumarka u arki jireen shar dunida dhex yaal.
Sh. Axmed Didat (AHN) oo ahaa Sheikh diinta Islaamka faafiya oo South African u dhashay ah, ayaa ka hadlay weedhahaasi oo yidhi: “ Kuwa fikirkan aaminsan waxaan leeyahay, markii ay sagaal bilood uurka hooyada kugu siday ee weliba ku dhibaatootay, ayay dhashay mid adigoo kale ah oo aan naxariis u ahayn oo axmaq ah. Markaa haddii qoraaladaasi la eego waa loo quudhi karaa weedhaasi dumarka mar haday dhaleen axmaqaasi sharka badan, ee aan naxariista u hayn hooyadii “. Kaasi oo si fudud u odhanaya “Dumarku iyagaa sababa Mushkuladaha dunida”. Sheekhu wuxu dhaliilayaa kuwo dumarka yasaya ee xaqiraya