Dil qorshaysan oo lagu dilay mid ka ah dhakhtarada maqaarka ee muqdisho
Kooxo hubaysan ayaa lagu waramayaa in ay goor dhawayd xaafada Al baraka ku dileen Dr Xasan Cisman Ciise oo loo yaqaanay Dr Buurane oo ka mid ahaa dhakhtarada caanka ah ee soomalia ee ka hawl gala gudaha magaalada Muqdisho.
Waararka ayaa sheegaya in dhakhtarka lagu dilay isoo hor fadhiya guri uu leeyahay oo dhixme ka socday kaas oo ku yaala xarunta uu ka hawl galo ee al Baraka.
Dr buurane oo ku takhasuusay xanuunada maqaarka ayaa sanado badan ku soo jiray arimaha caafimaadka , waxaanu mar soo noqday agaasimaha cusbitaalka Madiina.
Waraarkaa intaas ku daray in ragii falkan ay goobta iskaga baxsadeen kadib toogashada, waxaana halkaasi tagay ciidamo ka tirsan kuwa amaanka ilaa hada ma cada sababta loo dilay dhakhtarka oo si weyn caan uga ahaa gayiga Soomalida gaar ahaan dhinaca koonfurta Somalia.
Dilkan gorshaysan ayaa qayb ka noqonaya falal amni daro oo maalmihii la soo dhaafay siyaabo kala duwan uga dhacayey magaalada muqdisho caasimada Somalia, gaar ahaan bishan barakaysan ee Ranadaan.