Dufcaddii afaraad ee barnaamijka shaqo qaran ee Somalialnd ayaa maanta laga furay degmada Boorama. | BEST 1

0
Dufcaddii afaraad ee barnaamijka shaqo qaran ee Somalialnd ayaa maanta laga furay degmada Boorama.
Boorama – Dufcaddii afaraad ee barnaamijka shaqo qaran ee Somalialnd ayaa maanta laga furay degmada Boorama ee gobolka Awdal.Dufcaddii afaraad ee barnaamijka shaqo qaran ee Somalialnd ayaa maanta laga furay degmada Boorama.
Munaasibad kooban oo loo sameeyay furitaanka barnaamijkaasi ayaa waxa kasoo qayb galay badhosaabada gobollada Somaliland iyo mas’uuliyiin ka socday dawladda dhexe.
kuwaasoo dhammaantood bogaadiyay barnaamijka shaqo qaran Oo ay sheegeen inuu ka mid yahay barnaamijyada. kor u soo qaaday fursadaha shaqo ee dhalinyarta waxbaratay Somaliland.Dufcaddii afaraad ee barnaamijka shaqo qaran ee Somalialnd ayaa maanta laga furay degmada Boorama.
Wasiirka shaqogelinta arrimaha bulshada iyo qoyska ee Somaliland Mustafe Cali Bile iyo agaasimaha barnaamijka shaqo qaran Mu’addinka ayaa sheegay in barnaamijkani uu kaalin muhiim ah ugu jiro qaranka iyo bulshada waxbaratay ee xooggoodu cusub yahay.
Iyagoo tilmaamay inuu yahay waxqabadka Madaxweynaha Somaliland uu ku hoggaamiyay bulshada iyo dalka . ee loo baahan yahay in lasii casriyeeyo isla mar ahaantaana la joogteeyo.Dufcaddii afaraad ee barnaamijka shaqo qaran ee Somalialnd ayaa maanta laga furay degmada Boorama.
Qaar ka mid ah badhosaabbada gobollada dalka iyo mas’uuliyiintii kale ee ka socotay dhanka xukuumadda ayaa iyaguna ku bogaadiyay ardayda cusub ee barnaamijak shaqo qaran ka faa’ideysan doonta inay ku dedaalaan.
Sidii ay ugu shaqayn lahaayeen qaranka iyo bulshadiisa isla mar ahaantaana ay tacab iyo waxsoosaar u gelin lahaayeen ciidooda iyo dhulkooda  oo ay tilmaameen inay tahay waajib qaran, oo cidwal oo dalka u dhalatay saaran.

fariin noogu reeb