Dunida Bilow Iyo Dhamaad | best 1

0

Dunida Bilow Iyo Dhamaad

Aduunyada ayaa ah mid kooban oo  shay kasta bilowgiisa iyo dhamaadkiisu isu eekaado. Tusaale ahaan qofku marka uu dhasho wuu itaal daran yahay isagoo u baahan taageerada waalidka.Nebi Ciise oo dilaya Dijaal Cawar

Sidoo kale qofku markuu weynaado ayuu isna itaal darada oo u baahda taageerada caruurta. Haa waa sidaasi, marka aad qorayso buug bilowgiisa iyo dhamaadkiisa way is shabahaan.

Filimada iyo Riwaayaduhuna waa la mid, laga yaab kii la dulmiyay markii hore kuwii dulmiyay inuu ka guulaysnayo ama la ciqaabayo kuwo in badan dhib geysanayay, waa astaanta dunida.Nebi Ciise oo dilaya Dijaal Cawar

Aduunyadaan aynu ku noolahay ayaa iyana sidii ay ku bilaabantay Allah (sw) inoo sheegay inay ahayd Abuurkii Nebi Aadam Iyo Shaydaan oo Allah (sw) ku amray inuu u sujuudo oo diiday.Nebi Ciise oo dilaya Dijaal Cawar

Cajiib waxay mar kale ku soo xidhmaysaa  Nebi Ciise oo dilaya Dijaal Cawar.  Waana laba Nebi (cs) iyo Laba makhluuq oo Allah (sw) caasiyay.  Sidaasi ayay u tahay dunidu wax kooban oo isku eeg bilow iyo dhamaad.

Sawirkuna wuxu muujinaya qofku marka uu yar yahay wuu kufaakaca , marka uu weynaadona wuu tukubaa. Waana laba wakhti oo isku eeg oo kala duwan oo aadamigu maro.

fariin noogu reeb