Faaiidada unugyada difaaca jidhka
Xogside – Unugyada dhiiga cad (WBC) waxay ku qulqulayaan socodka dhiiggaaga si ay ula dagaallamaan fayrasyada, bakteeriyada, iyo shisheeyaha kale ee ku soo duulay jidhka qofka ee halista gelinaya caafimaadkiis. Marka uu jidhkaagu cidhiidhi ku jiro oo meel gaar ah la weeraro, unugyada dhiigga cad ayaa ku degdega si ay uga hawlgalaan baabi’inta walaxda dhibaatda leh iyagoo ka hortegayain xanuun darani ka dhasho. Unugyada difaac jidhka (WBC) waxaa lagu sameeyaa dhuuxa lafta.
Unugyada dhiiggaaga cad waxa ay ka yihiin 1% keliya dhiiggaaga, laakiin haddana saamayntoodu waa mid aad u weyn. Unugyadana waxa kale oo loo yaqaana leukocytes. Waxaana ay kaa difaacayaan xanuunada iyo cudur. Waxaana ay had iyo jeer ku jiraan dagaal joogto ah.
White Blood Cells (WBC)
ee loo yaqaan Leukocytes Waa Unugyada Cad ee difaaca jidhka, Shaqada unugyadan ayaa ah inay jidhka ka ilaaliyaan caabuqa (Infection) , Bacteria-da, Virus-ka ama Noole kale ee soo gala. Haddii arimahaasi midkood dhaco Unugyada Difaacu Weerar ayey ku qaadaan waana ay burburiyaan.
Unugyada Difaaca (WBC)
Way ka weynyihiin muuqaal ahaan Unugyada kale. Marka qofku qabo Caabuqa bakteeriyada (Bacterial Infection) Waxaa sare u kaca Tirada Unugyada Difaaca oo waxay aad uga bataan xaddigii loogu talagay oo ah 4,500-10,00 per microliter (mcL) Waxaana loo yaqanaa “Leukocytosis” haday ku badato dhiigane waxay Sababi kartaa dhibaatoyin Caafimaad qofka asiiba.
Tirada unugyada dhiigga cad way yarayn kartaa dhowr sababo awgood, waxaa ka mid ah marka ay wax burburayaan unugyada si ka dhakhso badan sida jidhku u buuxin karo. Ama markii dhuuxa lafta uu joojiyo samaynta unugyada dhiiga cad oo ku filan jidhka si caafimaadkiisu ugu wanaagsaanado. Marka tirada unugyada dhiigga cad ay yar tahay, waxa halis weyn qofku ugu jirta cudur ama infekshin kasta, oo u isu rogi kara khatar caafimaad oo halis ah.
Unugyada difaaca Jidhka (WBC) marka ay ka yaradaan Xaddigii loogu talagay oo ay hoos ugu dhacaan 4,500 Waxaa aad u daciifa difaaca jidhka oo waxa si fudud u weerari kara Bacteria, Virus ama Noole kale.
Nooca Ugu difaaca badan Unugyada difaaca jidhka Waa “Neutrophils” haddii uu ka yaraado xadiga caadiga ahna waxa yaraada difaaca qofka. Unugyadan waxa kale oo noocyada
Neutrophils, Eosinophils, Basophils, Lymphocytes iyo Monocytes
Haddii uu jidhku soo daayo unugyo difaac ah oo aad u badan taasi waxay muujisaa inu jiro khalkhal dhinaca jidhka waxaan laga yaaba haddii aan hore loo ogaan inay sababto xanuunka kansarka dhiiga. Laakiin haddii ay aad u hooseeyaan xadkii loo baahnaa waxa lagaa yabaa taasi inay keentay qofka oo aad u isticmaalay daawooyinka oo marka kasta xanuun yari ku dhaco uu si iskiis ah u qaato. Waxaana loo baahan yahay qofku in aanu qaadan dawo aanu u qorin dhakhtar si aanu isugu keeniin xanuun halis ah halka uu doonayo inuu mid kale iska daweeyo.