Faaiidooyinka Caafimaad ee Saliidda Dufanka leh ee Omega-3

0
Faaiidooyinka Caafimaad ee Saliidda Dufanka leh ee Omega-3

Xogside – Waxaa Omega-3 laga helaa cuntooyinka dabiiciga ah – sida kalluunka. Sidoo kale waxa jira dawooyin ka sameysan saliiddan dufanka leh.Faaiidooyinka Caafimaad ee Saliidda Dufanka leh ee Omega 3

Waxyaabaha ka sameysan Omega-3 waxay muhiim u yihiin qaabka ay qeybo ka mid ah jidhka u shaqeynayaan. Waxaa ka mid ah:Faaiidooyinka Caafimaad ee Saliidda Dufanka leh ee Omega 3Xakameynta caabuqyada Xinjirada dhiigga Dhiig-karka

  • Xakameynta caabuqyada
  • Xinjirada dhiigga
  • Dhiig-karka
  • Kobcinta awoodda hannaanka neerfayaasha
  • Dib u hagaajinta caafimaadka xuubabka jidhka – sida maskaxda, indhaha iyo dareenka
  • Dhaqdhaqaaqa walxaha ku dhex wareeganaya unugyada

Cuntada laga helo Omega-3

Waxaa Omega-3 laga helaa cuntooyinka dabiiciga ah – sida kalluunka. Sidoo kale waxaa jiro dawooyin ka sameysan saliiddan dufanka leh.

Kalluunka waxaa ku jiro Omega-3 ga loo garanayo DHA iyo EPA, halka lawska iyo khudaarta qaar ka mid ahna laga helo Omega-3 loo yaqaano ALA.

Faa’iidada caafimaadka Omega-3

Sida ay sheegeen cilmi-baadheyaasha caafimaadka, cunidda Omega-3 waxaa laga heli karaa faa’iidooyinka caafimaad ee hoos ku qoran:Faaiidooyinka Caafimaad ee Saliidda Dufanka leh ee Omega 3

  • Caafimaadka wadnaha

Waxay kordhisaa heerka DHA iyo EPA oo kala ah laba maado oo jidhka ku jira – Haddii aad kalluunka cunto ama isticmaasho Saliidda kalluunka, waad heleysaa faa’iidada.Faaiidooyinka Caafimaad ee Saliidda Dufanka leh ee Omega 3

Sidaa haddii aad sameyso, waxaad caafimaad taam ah u heleysaa wadnaha, waxayna ka hortageysaa halista soo wajahda.

Cilmi-baadhisyo ayaa lagu ogaaday in cunidda Omega-3 ay yareyneyso cudurada sababa in qofka uu dhinac qalalo, sida kuwa sababa dhiig-karka.Faaiidooyinka Caafimaad ee Saliidda Dufanka leh ee Omega 3

Sidoo kale, qaar ka mid ah dhaqaatiirta waxay sheegeen in Omega-3 uu ka hortagayo wadna xanuunka iyo qalalka.

  • Ka hortagga xanuunka kala goysyada jidhka

In aad si joogto ah u cunto dawooyiinka laga sameeyay saliidda kalluunka waxay yareynayaan kor-xanuunka iyo daalka aad dareemto subixii, ka dib marka aad hurdada ka toosto.

Si gaar ah ayey ugu fiican yihiin xanuunka kala goysyada jidhka iyo lafaha. Kalluunka waxaa sidoo kale loo adeegsadaa daweynta xanuunka faraha, iyo lafaha kale ee lugaha.

  • Faa’iidooyinka kale ee caafimaad 

Dhowr cilmi-baadhisood lagu sameeyay Omega-3 waxaa lagu ogaaday in faa’iido badan ay u leedahay dadka qaba xanuunada hoos ku qoran.Faaiidooyinka Caafimaad ee Saliidda Dufanka leh ee Omega 3Werwerka iyo walbahaarka (Gaar ahaan MDD) ADHD Asaasaqa (dementia) Xanuunada indhaha ka dhameeya biyaha (indho la’aanta sababa) Tubtubka ama duuduubka haragga ee da’da ay sababto Ka hortagga caabuq kasta oo ku dhaca maqaarka

Balse Xarunta dawooyinka Mareykanka, waxay sheegtay in weli ay socdaan baadhitaanno dheeraad ah si loo dhameystiro faa’iidooyiinka Omega-3.

  • Werwerka iyo walbahaarka (Gaar ahaan MDD)
  • ADHD
  • Asaasaqa (dementia)
  • Xanuunada indhaha ka dhameeya biyaha (indho la’aanta sababa)
  • Tubtubka ama duuduubka haragga ee da’da ay sababto
  • Ka hortagga caabuq kasta oo ku dhaca maqaarka

Qaar ka mid ah cilmi-baadhisyada lagu sameeyay bulshooyiinka waxaa lagu ogaaday in aad cuntadaada ku darto Omega-3, in ay suuragal tahay inay ka hortagto qaar ka mid ah noocyada kansarka.

Balse weli waxaa loo baahan yahay in tijaabooyiin caafimaad oo rasmi ah lagu sameeyo arrintaas – Weli lama cadeyn in si rasmi ah ay kansarka uga hortageyso.Faaiidooyinka Caafimaad ee Saliidda Dufanka leh ee Omega 3

DIGNIIN:

In kastoo la sheegay in Omega-3 ay sida guud tahay wax wanaagsan, marka aad ka qaadato qeyb yar ama dhexdhexaad ah, haddana waxaad isku arki kartaa arrimahan:

  • Shuban
  • Laab-jeex (Gaas ama calool-hur)
  • Dheef-shiidka oo shaqada yareeya
  • Iyo dibirroOmega-3 Fatty Acid Benefits, Uses & Foods Rich in Omega-3s

Haddaba niyadda ku hay in dawooyiinka dabiiciga ah ay markasta yihiin kuwo la soo tijaabiyay oo badqab leh. Haddaba ha adeegsan dawo aad ka shakiso ansixinteeda.

Noocyo kala duwan oo ay soo saareen shirkado kala gedisan ayaa suuqa yaalla. Hadabba qaado kuwa lagu kalsoonaan karo.Faaiidooyinka Caafimaad ee Saliidda Dufanka leh ee Omega 3

Haddii aad qorsheyneyso in aad isticmaasho Saliidda Kalluunka dawooyinka laga sameeyay, marka hore la tasho dhaqtarkaaga. In aad adiga is daweyso waa xaalad sababi karto in saameyn xun ay kugu yeelato.

Faaiidooyinka Caafimaad ee Saliidda Dufanka leh ee Omega-3

 

fariin noogu reeb