Faaiidooyinka Istiqfaarta
Xogside – Istiqfaarta waxay ka mid tahay acmaasha ugu fiican oo ugu wanaagsan diinteena, istiqfaarta dunuubta ayaa lagu dhaafaa ilaahay qofka waa ku amaan yeelaa, quraanka aad iyo aad ayuu uga hadlay qiimaha ay istiqfaarta leedahay, wuxuu yiri Ale:
(وَيَا قَوْمِ اسْتَغْفِرُوا رَبَّكُمْ ثُمَّ تُوبُوا إِلَيْهِ يُرْسِلِ السَّمَاءَ عَلَيْكُم مِّدْرَارًا وَيَزِدْكُمْ قُوَّةً إِلَىٰ قُوَّتِكُمْ وَلَا تَتَوَلَّوْا مُجْرِمِينَ)
(Qoomkayow Dambi dhaaf warsada Eebihiin una toobad kenna ha soo (Daayo) diro Samada (Roobka) korkiinna si badane hana idiinku kordhiyo xoog xooggiinii hana jeedsanina idinkoo Dambiilayaal ah) rd
(فَقُلْتُ اسْتَغْفِرُوا رَبَّكُمْ إِنَّهُ كَانَ غَفَّارًا * يُرْسِلِ السَّمَاءَ عَلَيْكُم مِّدْرَارًا * وَيُمْدِدْكُم بِأَمْوَالٍ وَبَنِينَ وَيَجْعَل لَّكُمْ جَنَّاتٍ وَيَجْعَل لَّكُمْ أَنْهَارًا)
(Waxaana ku idhi Eebihiin dambi dhaaf weydiista waa dambi dhaaf badane. * Cirkana Roob badan ha idinka keenee * Hana idiin kordhiyo Xoolo iyo Wiilal iyo Beero hana idiin yeelo Wabi yaal) rd