Fadliga uu leeyahay Quraan Akhrisku
Illaahay ayaa mahadleh illaaha dadka ugu yeedhay albaabada khayrka ee qofka uu doono waafajiya dariiqa toosan umadiisana u soo dejiyay kitaab quraan ah, kitaabkaas oo koobsanaya ayaadado xukun ah iyo kuwa isku eeg eeg, kuwa qalbigoogu leexday.
waxay raacayaan wixii iskaga eegakada, laakiin kuwa uu cilmigu degay waxay odhanayaan, illaahay ayaanu rumaynay, illaahay ayaan u mahadnaqaya, illaaha ina hanuuniyay albaabada hanuunkana inoo fududeeyay, waxa aan qirayaa illaahay mooye in illaah kale jirin wax lala caabudana ayna jirin, qiritaan aan rajaynayo in aan kaga badbaado ciqaabtiisa, waxa aan qirayaa in uu Maxamed uu yahay adoonkiisi iyo Rasuulkiisi, ka ugu dhamayska tiran leh dhinaca camalada wanaagsan N.N.K.H, Abu Bokorna uu yahay Asxaabtii ka ugu fadliga badan, Cumarkii illaahay sharafta ugu yeelay diinta iyo toosnaanta, Cismaankii khayr badnaa, Caligii caanka ku ahaa xalinta dhibaatooyinka iyo kala saaritaanka wixii madmadow gala iyo dhammaan asxaabtiisi oo dhan iyo cidii dareeqisa raacday ilaa maalinta qiyaamaha N.N.K.H.
Walaalahayow illaahay (SW) waxa uu yidhi “Kuwa akhriyaya kitaabka illaahay ee tukanaya salaada bixinaya wixii illaahay ku arsaaqay si qarsoon iyo si muuqataba iyagoo rajaynaya ganacsi aan dhamaad lahayn, kuwaa illaahay waxa uu u dhamaystirayaa ajarkoogi waxana uu u kordhinayaa fadligoogi, illaahay waa mid denbi dhaaf badan oo mahadnaq leh” [Fadir-29-30]
Akhriska Quraanku waa laba nooc, waa akhris xigmadeed oo ah in la rumeeyo waxa uu ka waramayo iyo in la fuliyo axkaamtiisa iyadoo amaamirtiisa la qaadanayo lagana dheeranayo wixii uu inoo diidayo.
Akhriska quraanka nooca lawaadna waxa weeye Akhris laga akhriyayo Afka, fadliga uu leeyahayna lama soo koobi karo ha ahaato quraanka oo dhan ama suurad ama ayaadado yar oo la isla garanayo, waxa ku sugan saxeexeenka Bukhaari:-
Cismaan Binu Cafaan (RC) in uu Nabigu (CSW) ka soo weriyay in uu yidhi; (Ka idinku khayrka badan waa ka barta quraanka dadkana bara), saxeexeenka waxa kale oo ku sugan:-
Xadiis ay Caasha (RC) ay Nabiga (CSW) ka soo werisay (Qofka Quraanka ku xariifka ah waxa uu macooga yahay malaa’igta sharafta badan leh, qofka quraanka jajabinaya isagoo uu ku adag yahay laba ajar ayuu leeyahay), labadaa Ajar waxay kala yihiin mid waa akhriska quraanka midna waa ku adkaanshaha uu ku adag yahay qofka quraanka akhriyaya.
Saxeexeenka sidoo kale waxa ku sugan: Muuse Al Ashcari (RC) ayaa Nabiga (CSW) ka soo weriyay in uu yidhi; (Tusaalaha Muuminka Quraanka akhriya waa sida Asrij urteedu way wanaagsan tahay dhadhankeeduna waa macaan, muuminka aan quraanka akhriyin waa sida timirta oo kale ur male dhadhan macaana malaha)
Sidoo kale Abi Amaama (RC) waxa uu Nabiga (CSW) ka soo weriyay in uu yidhi; (Quraanka akhriya, quraanku maalinta qiyaame waxa uu idin imanayaa isaga u shafeeca qaadaya qofki akhriyi jiray)
Caqaba Binu Caamir (RC) waxa uu Nabiga (CSW) ka soo weriyay in uu yidhi; (Oo miyaanu midkiina ku ka lahayn masaajidka oo isago baranaya quraanka akhrinaya laba aayadood oo kitaabka illaahay ah, qofkaas ajarka uu helaya waxay ka khayr badan tahay laba halaad, saddexna waxay ka khayr badan yihiin saddex, afarna waxay ka khayr badan yihiin afar iyo tiro kale oo geel ah).
Waxa kale oo Saxeexul Muslim ku sugan Xadiis Abu Hureera (RC) ka soo weriyay Nabiga (CSW) in uu yidhi (Qoom guri iskuguma yimaadaan ka mid ah guryaha illaahay iyagoo akhrinaya kitaabka illaahay isna baraya, haddii ay isku [embeddoc url=”https://xogside.com/wp-content/uploads/2021/11/Holy-Quran-in-Arabic-Language-1.pdf” download=”all” viewer=”google”]yimaadaana waxa ku soo degta xasilooni waxana daboosha raxmad waxana ku wareegta malaa’igta, illaahayna waxa uu xusaa kuwa agtiisa ah)
C/laahi Binu Mascuud (RC) waxa uu Nabiga (CSW) ka soo weriyay in uu yidhi; (Qofka akhriya xarafka mid ah kitaabka illaahay waxa uu leeyahay xasanaad mid kastana waa la toban laaba, odhan maayo Alif Laam Miim, laakiin Alif waa xaraf Laamna waa xaraf Miim Isna waa xaraf) Tarmiidi
Waxa kale oo uu soo weriyay in uu Nabigu (CSW) yidhi: (Quraankani waa edbin illaahay ee qaata intaad ka kari kartaan, quraanku waa xadhigii illaahay, nuur iftiimaya, dawo faa’iido leh iyo nabadgelyo uu u yahay qofka raaca, lagumana denbaabo waa howl aan lagu halaabeen oo lagu toosnaanayo lamana soo koobi karo cajaayibkiis, loogumana dhaqmo sida faraha badan ee loo akhriyo, Akhriya illaahay wuu idinka abaalmarin xaraf kastaba toban xasanaad) Xaakim
Walaalayaal fadliga quraanka akhriskiisu iyo ajarka uu u leeyahay qofkii doonaya raali ahaanshaha illaahay (SW) iyo ajar weyn uu u leeyahay camalada uu ku qabanayo ee quraanku u xadidayo, fadligani waxa uu u sugnaaday cidii doonaysa raali ahaansha illaahay, waxana khasaaray cida aan la kulmin fadligan dhamayska tiran ee quraanku leeyahay, waxa ku sugan sunnaha fadliga ay leeyihiin suurado kooban oo khaas ah oo ay ka mid tahay Faataxadu.
Nabigu (CSW) waxa uu yidhi: (Waxa la I siiyay suuradii quraanka ugu weynayd “Alxamdulilaahi Rabil Caalamiin” waa todobada laba laabma iyo quraanka weyn ayaa la I siiyay). Waxa ka mid ah fadliga Faataxada akhriskeedu waa runkun ka mid ah Salaada, salaadana qof aan akhriyi marka uu tuskanayo salaadiisu ma saxmayso. Nabiguna (CSW) waxa uu yidhi: (Salaad malaha qofka aan akhriyin Faataxada kitaabka).
Ibnu Cabaas (RC) waxa laga soo weriyay in Malakul Jibriil uu yidhi isagoo Nabiga (CSW) agjooga (Albaabka samadu waa mid aan weligiiba hore loo furin waxana ka soo degay malag waxana uu u yimid nabiga waxana uu ku yidhi ku bishaarayso laba nuur oo runtii lagu siiyay oo aan la siin nabi kaa horeeyay waa faataxada kitaabka iyo dhamaadka suuratul baqra, lamana akhriyin xaraf ka mid ah iyada haddii la akhriyana cida akhridana waa la siiyay) Waxa weriyay Muslim.
Suuradaha fadliga badan waxa ka mid ah “Suuratul Ikhlaas”, Waxa laga soo weriyay Abu Siciid (RC) in uu Nabigu (CSW) yidhi; (Waxa aan ku dhaartay illaaha naftaydu gacantiisa ku jirtee waxay u dhigantaa saddex meelo meel ahaan quraanka). Bukhaari
Suuradaha fadliga badan waxa ka mid ah labada “Qul Acuudu”, Waxa laga soo weriyay Cuqba Binu Caamir (RC) in uu Nabigu (CSW) yidhi; (Miyaanad arag aayadaha soo degay xalay, lama arag wax la mid ah “Qul Acuudu Birabil Falaq” iyo “Qul Acudu Birabil Naas”).
Hadaba walaalyaal ku dadaala badinta akhriska quraanka weliba bishan ramadaan uu soo degay quraanku, Malakul Jibriil wuu u soo bandhigi jiray Nabiga (CSW) quraanka bisha ramadaan sannadkiiba mar, sannadkii uu Nabigu (CSW) uu dhiman doonana laba jeer ayuu u soo bandhigay dadkii hore ee muuminiinta ahaana waxay ku dadaali jireen quraanka akhriskiisa wakhtiga salaada iyo marar ka kaleba.
Suhri waxa uu odhan jiray marka ay soo gasho bisha ramadaan “Waa bishii quraan akhriska iyo quudinta masaakiinta”, Maalikna marka ay soo gasho bisha ramadaan waxa uu ka tagi jiray akhriska xadiiska iyo meelaha cilmiga lagu akhristo waxana uu akhriyi jiray quraanka. Qataada waxa uu dhamayn jiray quraanka todobaadkiiba mar, bisha ramadaana saddexdii cishoba mar, tobanka ugu denbeeyana habeen kastaba. Ibraahim Nakhci waxa uu quraanka dhamayn jiray bisha ramadaan saddexdii habeenba mar tobanka denbena labadii habeenba mar. Aswad waxa uu akhriyi jiray quraanka oo dhan laba habeen oo bisha ramadaan ka mid ah.
Walaalayaal waa in aanu ka duyaanaa dadkii ehlu khayrka ahaa oo aynu raacno dariiqooga inagoo habeenkii iyo maalintii uga faa’iidaysanayna wixii illaahay ugu dhowaanayno waayo wakhtigu wuu is guraya oo maalintiiba ayaad mooda saacad.
Illaahayow nagu arsaaq akhriska kitaabkaaga si aad raali naga tahay naguna hanuuni dariiqa toosan, illaahayow naga saar mugdiga oo noo saar nuurka, illaahayow quraanka xujo nooga yeel, illaahayow darajadayada kor noogu qaad madowgana noogu iftiimi, illaahayow noogu denbi dhamaan anaga iyo waalidiintayadi iyo dhamaan umada musliminta ahba raxmadaada. N.N.K.H Nabigeeni Maxamed isaga iyo ehelkiisa iyo Asxaabtiisa dhamaan.quraan kariim.pdf fadliga quraanka akhriska[embeddoc url=”https://xogside.com/wp-content/uploads/2021/11/Holy-Quran-in-Arabic-Language.pdf” download=”all” viewer=”google”][embeddoc url=”https://xogside.com/wp-content/uploads/2021/11/Quran-with-English-Translation.pdf” download=”all” viewer=”google”]