Faysal Cali Waraabe oo markii 4aad loo doortay Guddoomiyaha xisbiga UCID | best 1

0
Faysal Cali Waraabe oo markii 4aad loo doortay Guddoomiyaha xisbiga UCID

Hargeysa (Xogside)  Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, oo muddo 20 sanno ah xisbigaa hogaaminayay, ayaa muddo 5 sanno oo kale ah dib loogu doortay in uu xisbigaas hogaamiyo.Faysal Cali Waraabe oo markii afaraad loo doortay guddoomiyaha xisbiga UCID

Xisbiga ayaa sidoo kale doortay 6 guddoomiye ku xigeen,  Cumar Jaamac Faarax ayaa loo doortay guddoomiye ku xigeenka 1aad, sidookale, Cali Xaamud Jibriil, Ismaaciil Faysal Qaadhuux, Siciid Cumar Axmed iyo Canab Cabdi Xirsi, ayaa loo doortay guddoomiye ku xigeenada ku sii xiga.Faysal Cali Waraabe oo markii afaraad loo doortay guddoomiyaha xisbiga UCID

Doorashada kadib ayuu guddoomiye Faysal u mahad celiyay bahwaynta xisbiga UCID ee markale, u cumaamaday hoggaanka xisbiga, isagoo sheegay in hankiisu yahay horumarinta Somaliland.Faysal Cali Waraabe oo markii afaraad loo doortay guddoomiyaha xisbiga UCID

Waxaanu yidhi guddoomiye Faysal.”Waxan idiinku mahadnaqayaa mar hadad mar 4-aad kii i doorateen oo 5 sanno oo danbe i doorateen, anigu dalkan waxan u imid in aynu Qaran noqono, oo halkaynu adduunka kaga jirnay galno”Faysal Cali Waraabe oo markii afaraad loo doortay guddoomiyaha xisbiga UCID

Faysal ayaa noqonaya guddoomiyihii iyo musharixii ugu mudada dheeraa ee abid hoggaamiya xisbiyada Somaliland.Faysal Cali Waraabe oo markii afaraad loo doortay guddoomiyaha xisbiga UCID

Guddoomiye nimadiisa ayaa 20 sanno jirsatay isagoo xilka xisbiga qabtay sannadii 2001 oo ahayd markii la aas aasay.Faysal Cali Waraabe oo markii afaraad loo doortay guddoomiyaha xisbiga UCID

Xisbiga ayaa sidoo kale doortay 6 guddoomiye ku xigeen,  Cumar Jaamac Faarax ayaa loo doortay guddoomiye ku xigeenka 1aad, sidookale, Cali Xaamud Jibriil, Ismaaciil Faysal Qaadhuux, Siciid Cumar Axmed iyo Canab Cabdi Xirsi, ayaa loo doortay guddoomiye ku xigeenada ku sii xiga.

Faysal Cali Waraabe oo markii 4aad loo doortay Guddoomiyaha xisbiga UCID

fariin noogu reeb