Geeridu Wakhtigeeda Ma Dhaafto

0

Nin boqor ayaa nijaar u shaqayn jiray ku xukumay in la dilo. Sida caadiga ahna habeen badhka ayaa gurigiisa qofka la dilaayo laga soo kaxayn ka dibna qoorta laga jari jiray inta ay dadku hurdaan.

Ninkaasi nijaarka ah ayaa aad u murugooday , habeenkaasi haba yaraatee ma seexan. Gabadhiisa ayaa ku tidhi “ Iska seexo Allah keliya ayaa jira, albaabada farajkuna way badan yihiin”. Ereyadaasi in kasta oo ay qalbigiisa dejiyeen haddana weli cabsidu kamay tegin.

Goor danbe ayay askartii boqorka soo gaadheen gurigii nijaarka markii uu hadalkoodii maqlay ayuu aad u aragagxay oo gabadhiisa ku eegay daymo quusasho ah. Wuu kacay oo albaabkii ku furay gacmo gariiriya.  Markiiba gacmihiisa ayuu u taagay si ay katiinadii ugu xidhaan una kexeeyaan si loo soo dilo.

Labadii askari oo aad u yaaban ayaa ku yidhi “ Waxaanu kuugu nimi boqorkii wuu dhintay , inaad samayso sanduuqii naxashka u noqon lahaa”. Gabdhiisa ayuu si farxad leh u eegay, iyana waxay ku tidhi “ Ha iloobin Cabsida Rabbi, maalamaha nolashaadu way tirsan yihiine”

fariin noogu reeb