Geesinimadu Waa Daacadnimada

0
Geesinimadu Waa Daacadnimada
Xogside – Daacadnimadu waa astaan wanaagsan , waana sifada dadka caanka ku ahi ay inta kale dheer yihiin. In qofku uu daacad ka noqdo shaqadiisa, masuuliyadiisa, kelmadihiisa iyo dhinac kasta oo nolosha ah waa mid muhiim ah oo mujinaysa geesnimada qofkaasi.Geesinimadu Waa Daacadnimada

Waana astaamaha horumarkiisa. Dadka daacadda ah ee shaqadooda jeceli waa kuwa guulaysta. Qofku wuxu noqon karaa  mid wanaagsan marka uu xidhiidhka dadka kale uu la leeyahay ka dhigo mid ku dhisan daacadnimo iyo akhlaaq wanaagsan.Geesinimadu Waa Daacadnimada

Geesnimada iyo Ragnimadu ma noqon karto inuu qofku noqodo tuug, afmiishaar, khaayin iyo afku xoogle dadka ku cabsi geliya wedhihiisa. Qofka daacadda ah dadka oo dhan ayaa aamina, halka ka aan sifadaa lahayn aaminadiisu shaki geliyaan.Geesinimadu Waa Daacadnimada

Haddii aad daacad noqon weydo waxaad noqonaysaa qof nolosha dhib badan kala kulma oo aan ku guulaysan horumarkeeda. Daacadnimaduna waa xeelad weyn oo aad ku kasban karto wax kasta. Daacadnimadu waa cutubka koowaad ee siyaasadda nolosha.Geesinimadu Waa Daacadnimada

Geesinimadu Waa Daacadnimada

fariin noogu reeb