Guddoomiyaha Gobolka Saraar Md Maxamed Cismaan Xaaji Axmed oo ay weheliyaan Isu duweyaasha wasaaradaha Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga iyo Horumarinta Beeraha gobolka Saraar iyo Saraakiil ka socday Hayadda FAO ayaa maanta si rasmi ah u dhagax dhigay dhismeyaal cusub oo kamid ah mashaariicda ay Hayadda FAO ka wado gobolka Saraar.
Mashaariicdan oo ah kuwo la xidhiidha daryeelka calafka xoolaha ayaa waxa ugu horeyn ka warbixiyey masuul ka socday Hayadda FAO oo lagu magacaabo Jibriil, waxaanu tilmaamay masuulkani in dhismeyaasha ay maanta dhagax dhigeen loogu talo galay Calafka Xoolaha,waxaanu cadeeyey in Xoolaha nool oo ay ummada reer Somaliland ku tiirsan tahay laga tayeyn doono calafka,isaga oo sheegay in mashaariicda ay halkaas ka wadaan ay yihiin kuwo lagu horumarinaayo tayeynta iyo horumarinta calafka xoolaha.
Waxa iyaguna halkaas ka hadlay qaar kamid ah guddiyada loo tabobaray Daryeelka iyo horumarinta calafka Xoolaha, waxaanay si weyn usoo dhoweeyeen Mashaariicdan iyo dhismeyaashan loogu talo galay horumarinta calafka xoolaha ee maanta laga dhagax dhigay gobolka Saraar deegaano kamid ah,iyaga oo balan qaaday in ay la shaqayn doonaan cid kasta oo ka shaqaynaysa mashruucan,waxaanay si weyn ugu mahadceliyeen Hay’adda FAO oo mashaariicdan wadda.
Waxa isna halkaas ugu dambayn ka hadlay Badhasaabka gobolka Saraar Maxamed Cismaan Xaaji Axmed, waxaanu tilmaamay in mashaariicdani dhawr meelood gobolka Saraar ka socdaan,isaga oo cadeeyey in mashaariicdani ka socdaan deegaamada Jaleelo,Habari-Heshay,Farmaraha iyo Wadaama Goo,waxaanu sheegay in ay muddo dheer kasoo wada shaqaynayeen hirgelinta mashaariicdan xukuumadda Somaliland, Hay’adda FAO iyo NGO-ga fulinayaa.