waxaa halkaa ka hadlay maayar ku xigeenkii hore ee golaha deegaanka  Cabdi Yuusuf Daahir oo isagu xilkii gudoomiye ku xigeenka ku wareejiyey gudoomiye ku xigeenka cusub Cabdiraxmaan Ismaaciil Cabdi waxaanu gudoomiye xigeenkii hore u hambalyeeyey golaha cusub.
Dhanka ka waxaa isaguna halkaa ka hadlay gudoomiyaha cusub ee ahna gudoomiyihii hore waxaanu ka sheekeeyey waxqabadkii ay gole deegaan ahaan hore soo qabteen Maxamed Aamiin Cumar Cabdi waxaanu u mahadnaqay golihiii hore ee ay soo wada shaqeeyeen waxaanu soo dhaweeyey golaha cusub oo ay wada shaqayn doonaan.
Badhasaab gobolka Gabilay ayaa isaguna xildhibaanada cusub ku buuriyey inay yihiin dhalinyaro aqoon leh, kuwaas oo kaalin ka qaadan doona sidii looga shaqayn lahaa horumarka degmada.
Waxa iyana halkaas hadalo ka jeediyay agaasimeyaasha wasaaradaha cadaalada Cabdiraxmaan Sheekh Xasan iyo xidhiidhka golayaasha Deeqa Cabdi Yuusuf waxaanay xubnaha cusub ee golaha degaanka degmada Gabiley iyo hoggaankoodaba u soo jeediyeen in ay isku duubnaadaan, melena uga soo wada jeestaan horumnarka degmada loo doortay.
Geestiisana wasiir ku xigeenka wasaarada arimaha gudaha Cabdinaasir Caydiid ayaa sheegay in dhawaan xubnaha cusub ee golayaasha deegaanka ay wasaaradda arrimaha gudduhu u furi doonto tabo bar ku saabsan sidii ay u gudan lahaayeen hawlaha horumarinta degmooyinkaas ee horyaala.
Ugu dambayn wasiirka wasaarada hawlaha guryeynta iyo hawlaha guud Somaliland Cabdirashiid Ducaale Qambi ayaa kula taliyey inay golahan xubmahooda cusubi iska ilaaliyaan khilaaf, isla markaana ay u midoobaan danaha bulshadii soo dooratay.