Guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland, mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa soo jeediyay in ajandaha dooda kalfadhiga 76-aad, fadhiga sagaalad laga saaro qodobkiisa waxbarashada ku jira xarafka “Xal u helida korodhka lacagta laga qaado ardayda dugsiyada gaarka ah.”, taas oo uu sheegay in ay waalidiinta iyo ardayduba lacagta qaaliga ah raalinka yihiin.
Guddoomiye Saleeban cod ayuu galiyay in laga saaro qodobka waxbarashada xarafkiisa ku qotima ‘Xal u helida korodhka lacagta laga qaado ardayda dugsiyada gaarka loo leeyahay,’ sidaasi ayaa loogu coddeeyay lagagana saaray.
Sidaasi ayaa ay mudanayaashu ku gudo galeen dooda ajandaha kal-fadhiga 76aad qodobkiisa waxbarashada.